(Salaamanews)-Munaasibad si heer sarreyso loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madax sharaf kala duwan ayaa manta lagu qabtay xarunta Xalane oo ay fadhi ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa AMISOM.
Munaasibaddan ayaa marti sharaftii soo xaadirtay waxaa kamid ahaa Wasiirka arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostaha iyo isgaarsiiinta, Safiirka Yurub ee Soomaaliya, wakiilka gaarka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, safiirro ka kala socday dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Denmark, Norway iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Munaasibaddan waxaa lagu weyneynayay maalinta Xuquuqda aadanaha caalamka “10, Dec” oo aduunka oo dhan laga xuso manta oo kale, waxaana dhanka kale diirradda lagu saaray sida ay isku kaashan karaan laamaha warfidineed ee Soomaaliya iyagoo ka fakaraya aayaha dambe ee saxaafadda xorta ah ee dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa u qeybsanaa labo qeybood, wajiga koowaad waxaa looga hadlayay xuquuqda aadanaha halka wajiga labaadna ay aheyd dood ku saabsaneyd dhibaatada loo geysto wariyeyaasha iyo tan isagu uu geysto.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta dalka Soomaaliya, Madaxda ururka NUSOJ, Muqdisho Media House iyadoo kulanka ay dood wadaajineysay hey’adda cilmi barista iyo wada tashiga CRD, oo kulanka intiisa badan soo qaban qaabisay.
Shabakaddan Salaamanews ayaa si gaar ah loogu casuumay kulankii manta ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Tifaftiraha SN C/shakuur Shakra oo si qotta dheer kaga hadlay dhibaatada saxaafadda iyo sida Salaamanews ay ugu hami weyntahay inay furto dhabbo cusub oo ay ku dayan karaan jiillka aan waddo hagta heysan ee saxaafadda Soomaaliya.
Hadaba manta ayaa waxay ka dhigantahay maalin magac iyo maamuusba ku dhexleh bulshada Soomaaliyeed, iyo dhammaan dadyoowga caalamka, waxaana adduunka oo dhan laga xusay maalinta Xuquuqda aadanaha.
Dhanka kale magaalooyinka, Hargeysa, Garooowe, iyo Gaalkacyo ayaa si weyn looga xusay maalinta xuquuqda aadanaha iyadoo la soo bandhigay tacaddiyada ugu badan ee loo geysto bani’aadmka.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






