Maamulka Somalilland wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu u fududayn lahaa sharciyada maamula maal-gashiga iyo ganacsi abuurka taas oo qayb ka ah dadaalka uu ugu jiro inuu ku xoojiyo ganacisga kuna soo jiito maal-gashadayaasha ajnabiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Hagaha Maal-gashiga Somaliland, oo ay si wada jir ah u sameeyeen Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland iyo Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha, wuxuu noqon doonaa hal meel oo xogta dhaqaale, sharci, nidaam hagid iyo maal-gashiga ay ka helaan maal-gashadayaasha maxalliga ah, kuwa qurbo-joogta ah iyo kuwa ajnabiga ah.
“Waxaan samaynaynaa bog internetka ah oo lagu ururiyo macluumaadka ku saabsan maal-gashiga, fursadaha jira, meelaha la maal-gashan karo iyo macluumaad la xidhiidha si maal-gashadayaasha ajnabiga, qurbo-joogta iyo kuwa muwaadiniinta ah ay si fudud ugu heli karaan macluumaad ka caawinaya in ay go’aan gaadhaan waqti walba,” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan, oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta iyo tirakoobka ee Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland.
![Ganacsato ku soo bandhigaya alaabadooda Suuqa Waaheen ee ku yaal Degmada Gacan Libaax ee Somaliland. Maamulka Somalilland wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu ugu fududeyn lahaa kuwa ganacsiga abuura sidii ay halkaas ganacsi uga bilaabi lahaayeen. [Barkhad Daahir/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/somalia-hargeisa-waheen-300x199.jpg)
Ganacsato ku soo bandhigaya alaabadooda Suuqa Waaheen ee ku yaal Degmada Gacan Libaax ee Somaliland. Maamulka Somalilland wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu ugu fududeyn lahaa kuwa ganacsiga abuura sidii ay halkaas ganacsi uga bilaabi lahaayeen. [Barkhad Daahir/Sabahi]
Hagaha Maal-gashiga Somaliland waxay hawshiisu bilaabatey Agoosto waxaana la dhamaynayaa Janaayo 2013, kaas oo ay maal-galisey Hay’adda Maraykanka u Qaabilsan Horumarinta Caalamka.
Waxaa intaa dheer, in dawladdu ay dawladu samaysay qorshe la yidhaahdo “bar wax walba laga helo” si ay u fududayso maal-gashiga. Qorshaha, oo uu maal-galiyey Bangiga Adduunka, wuxuu abuuri doonaa hal xafiis oo isku keena dhawr hay’adood — oo ay ku jiraan Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo qaar kale — si loo fududeeyo nidaamyada shati bixinta oo hal meelna loogu siiyo maal-gashadayaasha dhamaan wixii macluumaad ah oo ay u baahan yihiin.
Mashruucan, oo la dhaqan galin doono Janaayo, wuxuu maal-gashadayaasha ka caawin doonaa in uusan waqti ka lumin maadaama uu habaynayo nidaamka diiwaan gelinta, ayuu yidhi.
“Waa fursad wanaagsan oo lagu baabi’in karo caqabadaha oo dhan,” ayuu yidhi Cabdiraxman Ismaaciil, oo ah madaxa suuq-geynta shirkadda Telesom ee Hargeysa. “In goob keliya laga helo nidaamyada la xidhiidha shati-qaadashada waxay meesha ka saaraysaa niyad-jabkii ka imanayey waqtigii ku lumayey in shatiyada laqa qaato hay’adaha kala duwan.”
“Waan soo dhawaynaynaa horumarkan,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxay u sahlaysaa shaqsigii danaynayay inuu si sahal ah shaqo uga bilaabo Somaliland uuna ku dhiirado nidaamkii dheeraa oo uu bari ka maagi jiray, taas oo kordhinaysa xaddiga maal-gashatada.”
Caqabadaha oo laga qaadayo kobaca dhaqaalaha
Caasha Yuusuf oo dukaan leh, Hargeysana ku iibisa qalabka dhismaha, waxay sheegtay in fududaynta sharciyada iyo sahalka helitaanka macluumaadka ay tahay tallaabo dhinaca saxan loo qaaday, laakiin waxaa loo baahan yahay in wax badan oo kale la qabto si loogu dhiiriyo dadka deegaanka in ay furtaan ganacsiyo yar yar.
“Baahidooda koowaad waa in ay helaan deymo ku salaysan shareecada Islaamka oo aan ribo saarnayn,” ayay tidhi.
Bangiyada goonida loo leeyahay qaarkood ayaa bilaabay in ay bixiyaan deymo yar yar balse waxay ka doonayaan kuwa deynsanaya in ay dhigaan dibaaji ah 30% lacagta la deyminayo, taas oo ah shardi aysan fulin karin inta badan kuwa doonaya in ay ganacsi yeeshaan, ayay tidhi.
Dawladdu waa in ay la timaadaa sharciyo ka caawinaya ganacsiyada in ay helaan lacag ku filan kharashka lagu bilaabayo ganacsiga, ayay tidhi. Waa in ay sidoo kale siisaa waano iyo wixii taageero kale ah oo ay u baahdaan si aysan ganacsatada cusub u dareemin in ay kali yihiin markii ay maal-gashi weyn samaynayaan.
Saleebaan wuxuu sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay ka shaqaynayso barnaamijyo bixinaya deymaha yar yar ee ay ku shurkoobaan dawladda iyo dadweynaha waxayna sii wadaysaa dadaalka ay ku fududaynayso caqabadaha hor jooga kobaca dhaqaalaha.
“[Dawladda] hadafkeedu waa in ay kordhiso maal-gashiga, kaas oo isna kordhinaya shaqooyinka oo wanaajinaya dhaqaalaha waddanka,” ayuu yidhi. “Markaan halkaas gaadhno, ayay kordhi kartaa heerka nolosha ee bulshadu.”
Is-baddaladii dhawaan la sameeyay waxay ka yimaadeen cabashooyinka bahda ganacsiga iyo natijooyinkii horudhaca ahaa ee Daraasadda Kalsoonida Ganacsiga ee Somaliland, kaas oo Diseembar 18-keedii lagu shaaciyey shir-sannadeedkii ugu horreeyay ee Shirka Ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa.
Daraasaddu waxay ra’yiga ay ka qabaan jawiga ganacsiga ee Somaliland iyo caqabadaha hor-jooga maal-gashiga waydiisay maal-gashatada iyo bahda ganacsiga, waxaana Nofeembar laga fuliyay Maroodi Jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.
Daraasaddu waxay jawaab ka heshay 273 ganacsato ah — 236 ku sugan Somaliland iyo 37 qurbo-joog ah — waxaana ku jiray 72 dumar ah.
Daraasaddu waxay tilmaantay in 43% ka mid ah kuwa ka jawaabay ay maal-gashadeen wax ka yar $10,000 si ay Somaliland uga bilaabaan ganacsi, iyada oo keliya 2.2% ay geliyeen lacag ka badan $1 milyan.
Maal-gashigu wuxuu u badnaa Maroodi Jeex, Saaxil iyo Togdheer, oo in ka badan 20% ganacsiyada la waraystay ay maal-gashadeen in ka badan $100,000. Laakiin Sool iyo Awdal marka la eego waxay xisaabtaasi ka yar tahay 8%.
Intaas waxaa dheer, in 58.5% kuwa jawaabay ay sheegeen in nidaamka diiwaan gelinta iyo shati u sameeynta ganacsigu uu adag yahay, 43% waxay sheegeen in sharci ku saabsan ganacsi abuurka uu saamayn wanaagsan ku yeelan doonoo go’aamada mustaqbalka ah ee maal-gashiga, halka ay 21% yidhaahdeen wuxuu yeelan doonaa saameeyn xun.



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






