(Salaamanews)-Xilli Jimcihii shalay ay madaafiic ka soo dhacday koofurta Galkacyo ay saameysay xaafado ku yaal waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa la soo sheegayaa in Sabtida maanta ah laga cabsi qabo isku dhacyo dhexmara labada maamul ee ka arrimiyo Galkacyo.
Maamulka Puntland, ayaa sheegay in madaafiicda ay soo rideen ciidamo taabacsan maamulka Galmudug, waxaana Puntland ay ka digtay isku dhacyo ka dhalan karo doqeymahaasi oo qaarkood ku dhacay meelo ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo.
Waloow aan khasaara dhimasho ama dhaawac ah doqeyntu aanay geysan hadana waxaa ay dumisay dhowr guri oo ku yaal xaafadaha ay maamusho Puntland ee waqooyiga Galkacyo.
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Baasto oo la hadlay xafiiska SN ee magaalada Galkacyo ayaa xaqiijiyay inaanay raalli ka aheyn doqeynta la sheegay in lala beegsaday Puntland xaafadaha ay ka taliso ee Galkacyo.
“Inagu raalli kama nihin, doqeynta la sheegay in lala beegsaday waqooyiga Galkacyo, lakin waa in la baaraa sida ay wax u dhaceen” ayuu SN u sheegay Axmed Baasto oo jooga Galkacyo.
Magaalada Galkacyo oo ay wada maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya labada maamul oo isku qabta waxyaabo ka dhashay falal aan wanaagsaneyn oo ay ku kacaan malleeshiyada labada maamul.
Hadaba Halkan ka daawo Doqeyntii shalay ee ka dhacday Galkacyo.
Salaamanews
Galkacyo, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






