Shirkadda Isgaarsinta Hormuud ayaa Muqdisho ku ballaarisay adeegeeda jiilka seddexaad (3G) ee adeegga moobeelada si ay macaamiisheeda taleefannada iyo kombuyuutarada gacanta ay u siiso internet xawaarihiisu sarreeyo.
Adeegga ayaa hore looga heli jiray qeybo kamid ah waooyiga Soomaaliya, balse waa markii ugu horreysay ee ay shirkaddu hirgalinayso adeeggan. Adeegga 3G ee Hormuud ayaa marka hore laga fulin doonaa Muqdisho kadibna waxaa sannad gudihii lagu faafiin doonaa magalooyinka kale ee waaweyn ee koonfurta Soomaaliya.
Soomaaliya, oo sannadkii 2000 ahayd mid kamid ah dalalkii ugu dambeeya ee Afrikaan ah ee hela internet, ayay tani u tahay horumar muhiim ah.
Isagoo adeeggan uga dhawaaqayay Hoteelka Shamo 29-kii December, ayuu Guddomiyaha Hormuud Axmed Maxamed Yuusuf waxa uu ka hadlay muhiimadda ay tikniloojiyaddan cusub u leedahay shacabka. “Adeeggan cusub waxa uu bixin doonaa internet uu xawaarihiisu sarreeyo taa oo ay adaydu kaga faa’idayasan doonaan in ay wax ku bartaan, aqoonyahannada ay cilmi-baaris ku sameeyan, bulshadana ay aduunka intiisakale kula xiriirraan iyagoo adeegsanaya adegyada kala duwan ee warbaahinta,” ayuu yiri.
Agaasimmaha suuq-gaynta Hormuud Cabdixakiin Xasan Iidooow ayaa sheeggay in tiro ka badan 150,000 oo macaamiil ah oo Muqdisho ku suga ay isku diiwaan gaiyeen adeegga 3G, kaa oo siinaya taleefoonnada gacanta in ay dhagaystaan codad isla markaana daawadaan fiidiyoowyada, kuwada sheekaysiga muuqaalka, in ay macluumaad isugu diraan si dag-dagsiyo leh.
![Xafiiska Howlaha Macaamisha Hormuud ee Muqdisho oo maalmin aan fogayn si xamaasad leh ugu adeegayay macaamiisha. [Keyd/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/somalia-mogadishu-hormud-300x199.jpg)
Xafiiska Howlaha Macaamisha Hormuud ee Muqdisho oo maalmin aan fogayn si xamaasad leh ugu adeegayay macaamiisha. [Keyd/Sabahi]
“Shirkaddeena waxa ay macamiisha siinaysaa howlo ay kamid yihiin kala gudbinta lacagta ee taleefannada gacanta iyo moodeemka loo isticmaalo kombuyuutarada oo laga helo dalal mucayan ah oo Afrika iyo Aasiya ah,” ayuu Iidoow u sheegay Sabahi. “Waxaannu rajaynaynaa in adeegga uu la tacaalo dalabaadka sare ee ay interneka u qabaan ardayda, saxfiyiinta, wasiirada, hay’adaha gargaarka, xarumahaa caafimaadka, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay, xafiisyada iyo [goobahaa] shirarka.”
Iidow ayaa sheegay in Hormuud ay modeemka ku iibiso $50 doolar, kaasoo la oran karo wali qaali ayuu ku yahay Soomaalida, kuwaa oosi isi soo taraysa u isticmaalaya internet-ka.
Waxa uu sheegay in tirada dadka isticmaalaya adegga 3G ay sii kordhayso, uuna rajaynayo in tiknoolijiyada ay ugu dambayn qabsato suuqa maxaliga ah.
“Tiknolijiyada 3G waa ay ka xaawaare badantahay ta ADSL-ka waxayna kaga duwantahay in aad internetka ku helayso meel walba oo uu ka jirto khadka taleefanka gacanta, taa oo ah khiyaarka kaliya ee u banaan dadka socotada ah,” ayuu yiri. ADSL ayaa internetka ku bixisa xargaha taleefannada kaliya.
Suuqa internetka Soomaaliya
Dhaqaalayahanadda Samiira Maxamed Wacays ayaa sheegtay in suuqa interneetka Soomaaliya uu ka jiro tartan u dhexeeya shirkado isgaarsiin dhowr ah, sida Telesom, Som Tel, Golis, Telecom Soomaaliya, NationLink Soomaaliya, Shirkadda Internetka ee Golobbal iyo Hormuud Telecom.
![Moodeemka USB-ga ayaa kombuyutarada siin doona internet iyagoo isticmaalaa shabakadda 3G. [Keyd/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/somalia-hormud-3g-300x199.jpg)
Moodeemka USB-ga ayaa kombuyutarada siin doona internet iyagoo isticmaalaa shabakadda 3G. [Keyd/Sabahi]
Farxaan Axmed Cabdulaahi, oo ah aqoonyahan ku takhasusay macluumaadka tiknoolijiyada, ayaa sheegay in jirteeyoo la gaaray horumarka adeega 3G, haddana in Soomaaliya ay wali dambayso, iyado shirkadaha isgaarsiinta ee Yurub iyo Jabban ay tijaabinayaan tiknoolijiyadda jilka afarad (4G). Halka 3G-a maclumaadka ku gudbinayso maagabaayt badan daqiiqaddii, 4G waxa ay ku sameyn kartaa 1 gigibaayt daqiiqaddii.
“Soomaaliya waa ay soo kaban doontaa wayna horumari doontaa si kasta oo ay u martay dhibaatadan, iyada oo colaadda, isdagaalka iyo iyo dhaawaca ka dhashay argaggixisada, uu burburiyay kaabayaashii dalka,” ayuu u sheegay Sabahi. Ballaarinta adeegga 3G-a ee Hormuud, ee hadda ku salaysan isticmaalka macaamiil 5 milyan ah, waxa ay muujinaysaa awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay la jaan-qaaddo tiknoolijiyada cusub, ayuu yiri.
Maryan Amiin Axmed, oo ah saxaafiyad howlgab ah, aya sheegtay in hirgainta innternetka fiilo la’aanta ee moobeelka ay dhiiro galin karto in kuwii horee adeegga u bixin jiray in ay dhimaan qiimahooda si ay u tartamaan.
‘Internetka waxaa uu galay wax walba oo nolol maalmeedkeena ah,” ayay u sheegtay Sabahi. “Sidaa daraadeed, waxaannu ugu baaqaynaa kuwa adeeggan oo kale bixiya ee tatanka ku jira in ay dhimaa qiimaha galaagalka filo la’aantah iyo Ethernet-ka loo isticmaalo gudaha, waliba marka la tix-galiyo in adeegga 3G u soo galay suuqa internetka.”
Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga
Isha: Sabahi



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






