(Salaamanews)-Waxaa saaka soo badanayo khasaaraha ka dhashay doqeymo aan kala go’ laheyn oo habeenkii xalay ahaa lagu bartilmaameedsaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasoo haleelay xaafado ku dhaw madaxtooyada.
Doqeymaha oo ahaa kuwa culus oo loo adeegsaday madaafiicda nuucyadeeda kala duwan ayaa waxaa ay haleeleen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda Ex-wardhiihleey ee gobolka Banaadir.
Dadka Muqdisho oo mudooyinkan ka nastay daryanka madaafiicda ayaa habeenkii xalay ahaa abaaro 12:30 AM mar qura ku soo baraarugay hoobiyeyaal laga maqlay dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo ku dhacay meelo ku dhaw Madaxtooyada qaranka Soomaaliya.
Sida dad goob joogayaal ah ay noo xaqiijiyeen ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen guud ahaan madaafiicda ku dhacday degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa doqeynta ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa kooxda Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka lagu qaaday madaxtooyada.
Madaafiicda ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh uu safar ku aaday dalka Turkiga kadib casuumaad kaga timid madaxda dalkaasi Turkiga.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






