(Salaamanews)-Wararka ka imaanayo gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa madaafiic lagu garaacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo lagu tuhmay in abaabul dagaal ay ka wadeen ciidamada kooxda Al-shabaab.
Madaafiicda ayaa lagu garaacay deegaanka Dhanaane oo u dhexeeya magaalooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana doqeynta ka dhashay khasaare aad u ballaaran.
Dadka ku dhaqan deegaannadu ay madaafiicdu ku beegneyd ayaa sheegay in marqura habeen barkii ay ka warheleen daryanka madaafiic aan horey looga baran deegaanka oo ka soo dhacaysay fariisimo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska.
Waloow aan rasmiyan loo ogeyn khasaaraha doqeynta ka dhashay hadana waxaa dadka deegaanku ay sheegeen in doqeynta ka hor la arkayay guutooyin ka tirsan ciidanka kooxda Al-shabaab oo abaabul dagaal waday.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa doqeynta u jeedkeeda ku sheegay beegsiga kooxda Al-shabaab uu sheegay in baryihii dambe ay badisay dhabagalka ay ku beegsaneyso ciidanka dowladda iyo AMISOM.
Doqeyntan ayaa jawaab u noqoneyso weerarro isdaba joog ahaa oo ay kooxda Al-shabaab ku beegsatay labo jeer wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan booqday degmooyinka Shabeellaha hoose.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






