(Salaamanews)-Raisal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarinta Cevdet Yilmaz ayaa lagu wadaa in ay booqasho ku yimaadaan dalka Soomaaliya.
Ra’isal wasaaraha iyo wasiir ku xigeenka horumarinta dalka Turkiga ayaa waxaa ay sidoo kale booqan doonaan dalka Suudaan.
Madaxdan ka socota dalka Turkiga ee Bozdag iyo Yilmaz ayaa la kulmi doona madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeybgali doonaan xaflado lagu furi doono masaajidyo iyo xarumo agoonta loo dhisay.
Dalka Turkiga ayaa waxa uu yahay dalkii ugu horeeyay ee ka furta safaarad magaalada Muqdisho iyadoo shirkada dayuuradaha ee dalka Turkiga ay ka bilowday duulimaadyo dalka Soomaaliya.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






