Latest

May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - May 14, 2013 - IOM oo Ajaanib ka daabuleysa deegaamada maamulka Puntland ... - May 14, 2013 - Kenya oo dib u soo noolaynaysa bilayska kaydka ah ee Gaarisa si ay ula dagaallamaan al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Abaanduulaha cusub ee ciidamada militariga oo u hanjabay kuwa dhaca geysta ... - May 14, 2013 - Nin la shaqeyn jiray Burcad badeedda oo lagu xiray Jarmalka ... - May 13, 2013 - WHO Investigates Possible Polio Case in Somalia ... - webdesign

Home » Warar

Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Mali

(Salaamanews)-Booqashada Francois Hollande oo aheyd mid la sugayay ayaa waxaa uu ugu horeyn ku tagay Caasimada Mali, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dalka Mali ee Faransiiska ka caawiyay inay ka waabiyaan Islaamiyiintii qarka u saarna inay talada dalka la wareegaan.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa u gudbay magaalada qadiimiga ah ee Timbuktu, halkaasoo todobaadkii hore ay qabsadeen Ciidamada uu hogaaminayo Faransiiska, markii ay ka carareen Islaamiyiinta.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay magaalada Timbuktu dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa howl galkii Faransiiska oo ku xoreeyay magaaladaas, kadib markii ay sheegeen in maleeshiyaadkii hore ay si naxariis daro ula dhaqmayeen.hol

Faransiiska ayaa qaadaya weji cusub oo dagaal, markii Islaamiyiinta inta badan ka carareen waqooyiga dalkaas, iyadoo ay muuqato marnaansho xaga ciidamada ah, magaalooyinka laga saaray Islaamiyiinta.

Ciidamadan oo lulayay calamo ayaa dadka u gacan haatinayay, waxaana ciidamada geyntan la filayaa inay ka qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka lagu jiro Mintidiinta Islaamiyiinta.

Dowladaha gobolka ee ku jira ururka ECOWAS ayaa Ciidamo ku taageeraya, si ay u xaqiijiyaan amaanka magaalooyinka lala wareegay.

Salaamanews

Qahira, maser

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal