(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa Sabtida maanta ku soo laabtay Muqdisho kadib safar uu maalmo kooban ku joogay wadanka turkiga, halkaasoo kulamo kala duwan uu kula soo qaatay madaxda wadankaasi.
Madaxweynaha uu wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla soo qaadeen madaxda Turkiga iyo wafdigiisa, wuxuuna dhinaca kale ka hadlay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii magaalada Nairobi.
“Arrin aad iyo aad u murugo badan oo xalay ka dhacday dalka Kenya, dad muslimiin salaad soo dukaday in lagu weeraray, qaarna dhintay dad mas’uuliyiin ku jireen dhaawacmay, aad iyo aad uga xunahay, waxaa tacsi u direynaa shacabka reer kenya iyo dadkii dhintay eheladooda”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda kenya ay gacan ku siinayaan sidii ammaanka loo hagaajin lahaa, isagoo ugu baaqay labada shacab inay iska kaashadaan sugida amaanka, meelna uga soo wada jeestaan kuwa dhibaatada wada.
“Arrintaas waxay na tuseysaa labo waxyaabood, dadka nuucaas cid ay xushmo u hayaan oo ay qadarinayaan oo ay dhowrayaan ma jirto, shacabka Soomaaiyed iyo Kenya hal meel uga soo wada jeestaan, dowladda Soomaaliya waa ku garab istaageynaa wax kasta amniga Kenya hagaajinaya”ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha dhibaatooyinka u gaaraya Kenya ay tahay sababta ay u taageerayaan Soomaaliya, isagoo hadalkiisa u muuqday mid uu ku difaacayay doorka Kenya ku soo gashay Soomaaliya.
“Dhibaatooyinkaas waxay u gaarayaan Kenya sababaha ugu waa weyn waxaa ka mid ah, maxaa soomaaliya u saacideysa awgeed ayaa dhibaatoyinkaas u gaarayaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa booqashadiisii Turkiga wuxuu ku tilmaamay mid guul u aheyd Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labada dhinacba ay isku raaceen waxyaabihii ay isla soo qaaden.
Khudbadda madaxweynaha ayaa u muuqatay mid dhinac u socotay maadaama uusan madaxweynuhu ka hadlin waxyaabo badan oo dalka ka dhacay intii uu maqnaa sida weerarkii ay dadka rayidka ah ku dhinteen ee lala rabay madaxtooyada Soomaaliya.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






