(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogtaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Turkiga oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah oo ka timid madaxda wadankaasi Turkiga.
Madaxweynaha iyo iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin ra’isal wasaare xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fowziyo Yuusuf, wasiirrada maaliyadda iyo Gaashaandhiga ayaa la kulmi doono madaxda Turkiga.
Dhanka kale warar lagu kalsoonyahay oo Salaamanews, ay ka heleyso garoonka Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in diyaarad gaar ah oo laga leeyahay dalka Tarkiga ay soo caga dhigatay garoonka, waxaana ay qaadi doontaa wafdiga madaxweynaha.
Safarka madaxweynaha ee uu ku tagayo dalka Turkiga wuxuu noqonayaa midkiisii ugu horeeeyay ee uu ku aado wadan ka baxsan gobolka geeska Africa, waxaana uu ka dhigayaa wadankii afaraad uu tago madaxweynaha.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






