(Salaamanews)-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya wafdi ay ka mid tahay ra’isal wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Fowziyo Yuusuf ayaa kulan la qaadanaya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton, ayaa ka hadlay arrimo khuseeya Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa Mareykanka kala hadlaya sida Soomaaliya loogu soo celin lahaa wadadii dimuqraadiyadda, iyadoo laga hortagayo cadaadis caalami ah oo Soomaaliya soo wajaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareysi dheer uu siiyay Idaacadda VOA wuxuuu kaga hadlay arrimo badan, waxaana madaxweynuhu uu ka hadlay arrimaha ku saabsan xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, ururka al-Shabaab, maamul goboleedyada dalka, iyo sida Soomaaliya loogu aqoonsaday wadan dhaca bariga Africa oo nabadi ay ku soo noqotay.
Madaxweynaha ayaa qeybaha hore ee wareysigiisa wuxuu kaga hadlay amaanka, garsoorka, iyo maareynta maaliyadda dowladda, wuxuuna xusay in afar bilood ay dowladdu ku xaqiijisay nidaam laga dheehan karo heykal dowladnimo.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya uu noqday wadan soo ceshaday kalsoonidii ka luntay labaatan sano ka hor, wuxuuna raja ka muujiyay in bisha March uu Mareykanku safaaradisii ka furan doono Muqdisho.
“Waxaan isku dayaynaa inaan isbadalkii aan ballan qaadnay sameyno, si taasi loo helo waxaa naga go’an inaan xaqiijinno wixii lagu heshiiyay, booqashadan way ka duwantahay kuwii hore oo ay sameyn jireen madaxda Soomaalida, maadaama manta Soomaaliya uu yahay dal aqoonsi heysta” ayuu wareysigiisa ku yiri madaxweyne Maxamuud.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa xusay in heer gabo gabo ah uu marayo wada hadal Mareykanka uu la billaabay Soomaaliya, kaasoo ku aadanaa in dalka uu helo kalsooni buuxda oo leysku halleyn karo.
“Wada xaajooodkan waa Final, waana kan ugu dambeeya, wada hadallo ka dhacay Muqdisho, iyo Nairobi, ayaa jiray kan Washington, ayaa ugu dambeeyaa, dalkuna wuxuu noqday mid madax banaani heysta” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed, ayaa rajadii ugu weyneyd soo muujiyay kadib labaatan sano oo dagaallo sukeeye dalku ka socdeen, kuwaasoo keenay in kalsoonidii dowladnimo hoos u dhacdo.
Salaamanews
Minneapolis, Minesota
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






