(Salaamanews)-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed ayaa ka tacseeyay geerida ku timid marxuum Suldaan Muse Faarax ‘Muse Onkod” oo dabley hubeysani manta ay ku dishay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dr.Farole oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa Eheladi ,Qaraabadii iyo Umadda Reer Puntland uu ka dhintey Suldaan tacsi uga direy isagoona Alle uga baryey in Samir iyo Iimaan ka siiyo dadkii uu ka tagay Janadii Fardowsana ka waraabiyo.
”Waxaa diley nabadiidka Puntland” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo u direy fariin qoyskii uu ka dhashay marxuumka, waxaana madaxweynuhu dalbay in jawaab amnigu uu ka bixiyo dilka marxuumka.
Ciidamada Amaanka Puntland ayuu sheegey madaxweynuhu inay hayaan raad ku saabsan cida ka danbeysey dilka Marxuumka,dhowaana laamaha cadaalada la horkeeni doono.
Marxuumka allah ha u raxmadee wuxuu kamid ahaa dadka ugu caansan Puntland.
Salaamanews
Garoowe, Puntland
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






