(Salaamanews)-Madaxweynaha wadanka Kenya Muwai Kibaki ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisi doonto suuqa weyn ee magaalada Gaarisa oo dhawaan uu baabi’iyay dab xoogan oo suuqaasi ka kacay.
Madaxweyne Kibaki oo kulan saxaafadeed gillinkii dambe ee Jimcihii shalay ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii loo kaabi lahaa ganacsatada ku hanti beeshay dabka ka kacay todobaadkii hore magaaladaasi Gaarisa.
Mr Kibaki ayaa hoosta ka xarriiqay in magdhaw la siin doono dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay waxaana uu xusay in lacag ay ganacsi ku abuurtaan lasiin doono ganacsatadii hantidooda ku waayay dabka Gaarisa.
Mr Kibaki wuxuu sheegay inaan laga aamusi doonin askartiii gubtay qeybo kamidah suuqa wuxuuna ugu baaqay saraakiisha gobolka waqooyi bari in sida ugu dhaw ay u soo gudbiyaan liiska askarta xad gudubka geystay.
“Waxaan shirkeygan uga hadlayaa qodobbo aan kala sii qaadi doono, koow waxaan idiin sheegayaa in magdhaw laga bixin doono dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay, waxaa kaloo idiin sheegayaa in tallabo laga qaadi doono askarti gubtay suuqa Gaarisa, waxaana ballan qaadeynaa inaan dhisi doonno suuqa Gaarisa” ayuu yiri Madaxweyne Kibaki.
Wuxuu ugu baaqay dadka reer Gaarisa inay dib ugu soo laabtaan suuqa oo ay diyaar u noqdaan dib u dhiska dowladda ay ku sameen doonto, waxaana uu sheegay inaan laga hor istaagi Karin shaqadooda.
Hadalka madaxweyne Kibaki wuxuu yimid kadib booqasho hal cesho qaadatay oo ay Gaarisa ku yimaadeen wufuud ka socotay aqalka sare ee dowladda, ayna kamid ahaayeen ra’isal wasaaraha Kenya, xildhibaanno ka soo jeeda gobolka waqooyi bari, iyagoo qiimeeyay inta ay la egtahay hantida ku burburtay suuqii Gaarisa.
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






