(Salaamanews)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo dhoweeyay tallaabadii dhowayd ee Maraykanka uu ku aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Isagoo khudbaddiisa sanadlaha ah ka hor jeedinayay baarlamaanka Somaliland, Siilaanyo wuxuu sheegay in maamulkiisa uu soo dhoweynayo go’aanka Maraykanka uu ku aqoonsaday dowladda Soomaaliya.
“Kama xumin (aqoonsiga), xaasidna kuma nihin wax kasta oo muhiim ah dadka Soomaaliyeed sida nabad iyo horumar,” ayuu yiri Siilaanyo.
Siilaanyo wuxuu sheegay in aqoonsiga Maraykanka ee dowladda Soomaaliya uusan dhaawaceyn xiriirkooda kala dhaxeeya dowladda Maraykanka, isagoo intaas raaciyay in xukuumadda Washington ay u xaqiijisay in heshiiska cusub ee Maraykanka iyo Soomaaliya uusan saameeneyn howlaha iyo barnaamijyada Maraykanka uu ka wado gobolkiisa.
Dowladda Maraykanka ayaa horraantii bishan si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano.
Salaamanews
Hargeisa, Somaliland
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)







Somaliland wan kutagersanahay soodhawaynta ay sodhawaysay aqoonsiga uu siyay dowlada f.somalia.