(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalintii labaad jooga wadanka Sudan, wuxuuna Arbacada maanta ah booqday magaalada Khartuum ee caasimadda Sudan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaasadii shalay markuu tagay Sudan ka degay gobolka Blue Nile, ayaa halkaasi kaga qeyb galay munaasibadda dabaal dega 57-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaadatay dowladda Sudan, isagoo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogta wadanka Sudan.
Madaxweynuhu wxuu xariga ka jaray biya xireen cusub oo noqday midkii ugu weynaa oo laga hir galiyay wabiga Nile, hadal uu jeediyay ayuu ugu hambalyeeyay madaxda Sudan soo dhaweynta ay u sameeyeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kulan albaabada loo laabay la qaatay dhigiisa Sudan Cumar Xasan Axmed Al-bashiir oo ay ka wada hadleen xiriirka labada wadan iyo iskaashi dowladnimo ee dhexmara xukuumadaha Muqdisho iyo Khartuum.
Wafdiga madaxweynaha wuxuu maanta u dhaqaaqay caasimadda Khartuum,iyadoo wafdigiisa ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in caawa Madaxtooyada Khartoum casho sharaf loogu sameyn doono wafdiga Madaxweynaha, isla markaana galabta ay la kulmi doonaan Ardayda Soomaaliyed ee wax ka barata magaalada Khartuum.
Mr. C/kariin ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay isku afgarteen wada shaqeynta iyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya sidii loo xoojin lahaa, waxaana uu tilmaamay in wada hadalada ay socon doonaan ilaa caawa.
Madaxweynaha ayaa la filayaa safarkiisa Sudan kadib inuu u gudbo wadamada Britain iyo koofur Africa si uu halkaasi ugu tago casuumaad uu ka helay madaxda Ingiriiska iyo South Africa.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






