(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaasada maanta ah ka tagay Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka saaxibka la ah Soomaaliya ee Sudan.
Mr. Maxamuud ayaa Sudan kaga qeyb galaayo sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyada qaadatay dowladda Sudan, waxaana la rajeynayaa in madaxweynuhu uu halkaasi ka jeediyay khudbad dhiirra galin ah.
Mr. Maxamuud ayaa wuxuu kaga qeybgalayaa munaasabadan oo ka dhacaysa magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile, waxaana halkaasi tagi doonaa masuuliyiin caan ka ah wadamada Africa.
Munaasabadan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu furayo mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeesho madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir iyagoo ka wadahadli doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo wax ka barta jaamacadaha ku yaal dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed, ee wadanka Sudan, waxaana socota qaban qaabada munaasibad ay sameyneyso jaaliyadda Sudan.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa Sudan kadib la filayaa inuu tago dalka Britain halkaasina wuxuu ka sii aadi doonaa dalka Koofur Africa, wuxuuna kula ballan sanyahay madaxda South Africa.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






