Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo London gaaray (Video)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada London dalka Ingiriiska oo booqasho rasmi ah ay ugu billaabatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in casuumad rasmi ah uu ku helay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo uu sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin sida dowladda ingiriiska ay u xoojin lahayd taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan iyo ra’iisil wasaare Cameron ayaa la filayaa inay si gaar ah ugu hadli doonaan shir arrimaha Soomaaliya ku saabsan oo bisha May ka dhici doona dalka Ingiriiska.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inuu sidoo kale la kulmi doono qaybaha kale duwan ee dowladda Ingiriiska si uu ugu muujiyo in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dagaaladii iyo colaadihii muddada dheer ka taagnaa, wakhtigana loo baahan yahay in la gacan qabto Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska, kuwaasoo oo uu u bandhigi doono qorshaha dowladda iyo kaalinta looga baahan yahay in qurbajoogta Soomaaliya ay ka qaataan dib u dhiska dalka

Socdaalka madaxweyne Xasan uu ku tagay Ingiriiska ayaa ku soo beegmay xilli uu soo dhameysatay booqasho uu ku joogay xarunta Midowga Yurub, halkaas oo madaxda Midowga Yurub ay ugu ballan-qaadeen in ay taageero xogan u fidin doonaan dowladda Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay shaacisay in ay si rasmi ah dib ugu soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kale dhaxeeyey dowladda Soomaaliya.

Isha: Barkulan

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal