(Salaamanews)- Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo Khamiista maanta ah dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka Sudan, isagoo sheegay inay isku afgarteen isaga iyo madaxweynaha Sudan qodobadii ay isla soo qaadeen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan muhiim ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan iyo ardayda wax ka barata jaamacadaha wadanka, waxaana uu wax lagu faano ku tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Sudan iyo Soomaaliya.
Mr. Maxamuud, ayaa dalka Sudan kaga qeyb galay munaasibadda lagu xusay sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay markii ay xukuumadda Khartuum, xorriyadeedii qaadatay, wuxuuna xariga ka jaray biya xireen ay yeelaneyso dowladda Sudan.
Madaxweynaha wafdigiisa waxaa kamid ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana intii uu wafdigu joogay Sudan, uu siyaabo kala duwan u qaabilay madaxda wadanka Sudan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale booqday warshad lacagta sameysa shilling Soomaaliga sameysa oo ku taal magaalada Khartuum, wuxuuna ballan qaaday inuu qodobada ugu muhiimsan ku biirin doono tayeynta lacagta shilling Soomaaliga.
Safarka madaxweynaha ee dalka Sudan ayaa noqday midkii 9-aad ee uu ku tago wadamada caalamka, waxaana lagu wadaa inuu booqdo dhawaan wadamada Britain, iyo Koofur Africa, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dowladahaasi.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






