(Salaamanews)-Madaxweynaha jamhurriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee xarrunta dalka Belgium kula kulmay madaxa Golaha Midowga Yurub, Herman Van Rompuy.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada-arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo taageerada ay Midowga Yurub siiyaan Soomaaliya.
Waxa uu Herman Van Rompuy sheegay in Midowga Yurub uu taageero siinayay Soomaaliya muddo, ayna sii wadi doonaan taageeradaasi.
Madaxweynaha Golaha Yurub ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu riyaaqay dedaallada ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waddo ee dhinacyada naba-galyada iyo arrimaha bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo Midowga Yurub taageerada ay ka helaan.
Salaamanews
London, UK
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






