Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Mahiga “Waan ka xunahay amni xumida wali jirta”

(Salaamanews)-Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNPOS) ayaa cambaareeyay weerarrada argagaxisada ee Soomaaliya ka dhacay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, oo uu ku jiro falkii lagu dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

Alle ha u naxariistee, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay gudaha masaajid ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo tukanayay salaadda Casar.

Madaxa xafiiska UNPOS Augustine Mahiga ayaa war qoraal ah ku cambaareeyay dilka sheekha, qaraxii ismiidaaminta ahaa ee gaariga loo adeegsaday ee lagu bar-tilmaameedsaday taliye ku xigeenka booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse oo xilligaas ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, qaraxii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay maqxi ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyo dilkii loo geystay madaxa sirdoonka degmada Shibis.

Mahiga wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii lagu dilay falalkaas argagaxisada ah oo kooxda al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas badankood.

Sidoo kale wuxuu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dadkii lagu dhaawacay weerarradaas kala gadisan.

Wuxuu ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan madaxdooda sidii kuwa dambiilayaasha ah ee ka dambeeya falalkan foosha xun loo hor geyn lahaa caddaaladda.

Warka qoraalka ah ayuu Mahiga ku sheegay in xafiiska UNPOS uu ka go’an yahay sidii uu dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaa adkaynta ammaanka oo ah mudnaanta koowaad ee xukuumadda,” isagoo intaas raaciyay inaaney oggolaan doonin in falalkan fulaynimada ah ay carqaladeeyaan horumarka taariikhiga ah ee la sameeyay tobankii bilood ee la soo dhaafay.

Salaamanews

Nairobi, Kenya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal