(Salaamanews)-Dowladda Mareykanka oo kamid ah dowladaha sida weyn ula dagaallama burcad badeedda Soomaalida ayaa loo doortay hogaamiyaha howlgalka iyo shir gudoonka fadhiga kooxda xiriirka ee sifeynta shufta badeedda Soomaalida.
Kooxda Xiriirka ee la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida ayaa u doortay dowladda Mareykanka noqota shir guddoonka kooxda kadib shir ugu soo gabagaboobay magaalada New York
Mareykanka ayaa shir guddoomin doono sanadkan 2013 kulamada ay yeeshaan Kooxda Xiriirka ee ka dhanka ah burcad badeedda ka howlgashada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.
War murtiyeed shirka kooxda laga soo saaray ayaa lagu sheegay muhimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dagaalanka looga soo horjeeda burcad badeedda kadib markii ay sanadkii hore hoos u dhaceen weerarrada iyo afduubka burcadda badda ay geystaan.
Kooxdu waxay sheegtay baahida loo qabo in iskaashi weyn ay ka yeeshaan arrimaha burcad badeedda dalalka, ururrada iyo qeybaha qaabilsan maxkamadeyntooda.
Warmurtiyeedka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay hormariso istaraatiijiyadeeda amniga badda si ay u sahlanaanto wada-shaqeyn dhow oo ay beesha caalamka kala yeelato howlgalka ka dhanka ka dhanka ah burcad badeedda.
Mareykanka ayaa geystay kaalinta ugu weyn ee la dagaallanka shufta badeedda Soomaalida, waxaana xukuumadda Washington, ay malaayiin dollar ku bixisaa ciidamada ATLANTA ee jooga xeebaha Soomaaliya.
Salaamanews
Minneapolis, Minnesota
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






