(Salaamanews)-Ra’isal wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo howlo shaqo u joogta dalka Britain, ayaa Khamiista maanta ah kulan muhiim ahaa la yeelatay xoghayaha dowladda Ingiriiska William Heague.
Marwo Fowsiyo Yuusuf ayaa xoghayaha Britain kala hadashay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya, waxaana uu u hambalyeeyay horumarka Soomaaliya isagoo xusay in dalka Soomaaliya uu yeeshay dowlad dadku ay ku qanacsanyihiin.
Labada masuul ayaa isla soo qaaday xaaladda ka jirta geeska Africa gaar ahaan dalka Soomaaliya, waxaana Mr. Hague, uu sheegay inuu ku faraxsanyahay dalka Soomaaliya oo ka baxay kumeel gaar, isagoo xusuus ka dhigay booqashadiisii sanadkii hore uu ku tagay Muqdisho.
William Hague, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Britain uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, haatanna wuxuu xusay in la joogo waqtigii la soo celin lahaa kalsoonidii labada dal, si’ aanu hoos ugu dhicin kalsoonida ay beesha caalamka ka qabto nabad rasmi ah oo ku soo noqoto Muqdisho.
“Inagoo eegeyna xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain, waxaanu ku dadaali doonaa inaan dadajinno kaalintayada nabadda Soomaaliya” ayuu yiri Mr. Hague.
Dalka Britain ayaa hadda Madaxa u ah dalalka la isku dhaho G8, waxaana William Hague uu sheegay in ay xooga saari doonaan ka hortaga kufsiga ka dhaca dalalka dagaalladu ka jiraan, isla markaana ay arrimahaas kala kaashan doonaan dowladda Soomaaliya.
Qorshaha Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ee u tagtay dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ahaa sidii qunsuliyaddii Soomaaliya dib looga furi lahaa Britain, waxaana labada dhinac ay isku raaceen arrintaasi.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku joogta dalka Britain ayaa gogol xaar u ah casuumaad rasmi ah uu madaxweyne Xasan Sheekh ka helay madaxda dowladda Ingiriiska, waxaana la filayaa inuu madaxweynuhu maalmaha soo socdo yimaado dalkani Ingiriiska.
Salaamanews
London, UK
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






