(Salaamanews)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu aasay alla ha u naxariistee Majaajileste Cabdi Cali Nuur (Ziiyo Toom), oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay fanaaniin iyo majaajiliistayaal caan ka ah dalka Soomaaliya.
Abwaanka wuxuu mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay sheegtay gebar uu dhalay oo hadal kooban siisay Salaama News.
“Aabbe wuxuu ku dhintay xaafadeenna degmada waabari, wuu xanuunsanaa maalmihii dambe xalay ayuuna dhintay” ayay tiri Gebadha abwaanka.
Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Majaajiliiste Dr Go, asigoo la hadlay Salaama News ayuu eebbe uga baryay marxuumka inuu janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo.
Dr-ku wuxuu sheegay in majaajiliiste Cabdi Cali Nuur (Ziiyo Toom), allah ha u naxaiistee uu kamid ahaa Fanaaniintii hobollada Iftin.
INAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






