Axmed Saleebaan Bidde, oo ah fannaan 69-jir Soomaali ah, waxa uu dib u xasuustaa waayihiisii faneed ee mustaqbalka lahaa in ka badan 20 sano ka hor xilligaas oo uu dakhli fiican iyo sumcad wanaagsan uu ku haystay, iyo sidoo kale taageero joogto ah oo ay dowladda siinaysay.
Laakiin markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay 1991-kii, wax-soo saarka faneed wuu istaagay, sida uu yiri Bidde, oo jilay in ka badan 40 riwaayadood oo laga dhigay waddanka oo dhan waayihiisii.
Waraysi uu siiyay Sabahi ayuu Bidde kaga hadlay mustaqbalka fanka Soomaaliya iyo taageerada dhakhsaha ah ee ay u baahan yihiin fannaaniinta si ay fankii dib ugu soo celiyaan maqaamkiisii.
Sabahi: Wax nooga sheeg naftaada.
Axmed Saleebaan Bidde: Waalidkay waxay ii sheegeen inaan ku dhashay Hargaysa sanadkii 1943-kii. Qoyskeena [dhaqaale ahaan] wuu ladnaa wuxuuna xoolo ku lahaa baadiyaha. Waxaan ku noolayn magaalada maxaa yeelay aabahay wuxuu ahaa sarkaal u shaqaynayay gumaystihii British-ka, wuxuuna ka qayb-qaatay dagaalkii 2-aad ee adduunka.
Sabahi: Goorma ayaad biloowday shaqada fanka?

Masraxa Hargaysa oo ku yaalla degmada Gacan Libaax ee magaalada ayuu dhisme ku socday tan iyo 2011-kii [Barkhad Dahir/Sabahi].
Laga soo billaabo 1964-kii, waxaan si rasmi ah qayb uga noqday oo aan la shaqaynayay bahda fanka iyo suugaanta. Waxaan xubin ka ahaa cutubka suugaanta ee Raadiyow Hargaysa, waxaana markii dambe lay beddelay Muqdisho. Toddobaad kasta, kooxdeenna suugaanta ee Raadiyaha Hargaysa iyo Raadiyaha Muqdisho waxaan curin jirnay ugu yaraan afar riwaayadood. Riwaayadaha waxay ahaayeen kuwo gaa-gaaban oo la dhihi jiray “ruwaayadda raadiyaha”, waxaana badankood loogu talagalay in lagu madadaaliyo bulshada.
Sabahi: Wax nooga sheeg farqiga u dhexeeya waayihii hore markii uu fanku marayay halkii ugu sarraysay iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.
Bidde: Xilligii dowladdii rayidka, waxaan lahayn masraxyo magaalo kastana waxay lahayd goob lagu soo bandhigo riwaayadaha. Tusaale ahaan, Hargaysa waxa ay lahayd masrax xarunta raadiyahana waxa ku yaallay qol wayn oo loo isticmaali jiray in wax lagu qaybo. Kaddib, markii xukuumaddi millateriga ay waddanka qabsatay, dowladdu waxay bandhig faneedka riwaayadaha ku ballaarisay magaalo kasta. Waxaa la dhihi jiray “hanuunin”, magaalo kastana way lahayd. Hargaysa iyo Muqdisho mid kasta waxay lahayd laba tiyaatar oo waawayn.Waqtigaas lalama barbar dhigi karo xilligan, burburkiina aad buu u saameeyay fanka. Bahda fanka waxa haysta dhaqaale-xumo, mana haystaan xirfado casri ah, qalab iyo goobo ay wax ku duubaan, mana laha ururro kulmiya oo isku-xidha, danahoodana ka shaqeeya.
Sabahi: Waqtiyadaa hore, markaad riyaawaddaha soo bandhigaysaan, ma jireen waxyaabo shuruudo ahaa, loona baahnaa in la raaco?

Heesaaga iyo jilaaga masraxa Axmed Saleebaan Bidde waxa uu sheegay in fannaaniinta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin maal-gelin iyo tababarro dib u soo nooleeya marixii qaranka. [Barkhad Daahir/Sabahi]
Markaa filimka oo nadiif ah, warqad sharci ahna aanu u haysano ayaanu dadweynaha ugu dhigi jiray si caam ah.
Sabahi: Maxaad ka xusi kartaa mawduucyada aad kaga hadli jirteen riwaayaddaha aad samayn jirteen?
Bidde: Ruwaayad kasta oo aanu dhigi jiray wuxuu ahaa aqoon guud, qofba wax buu markaa ka heli karayay. Dadka qaar waxay ka qaadan jireen inta qosolka iyo madadaalada ah, kuwo kale inta jacaylka ah, kuwo ka helayay inta murtida ah iyo kuwo ka helayay inta dhaqanka ah ee ku jirtay riwaayadda. Riwaayad kastaa waxay ahayd filim waxyaabo badan oo kala duwan ka sheekaynaya. Laakiin, badi waxaanu samayn jiray waxay u badnaayeen dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.
Sabahi: Soomaalida maxay maanta fiirsadaan?
Bidde: Waxa jira filimaad Turki, Carab iyo Hindi oo qaarkood afka Soomaaliga lagu soo tarjumay, waana kuwaas kuwa ay hadda dadku aadka u daawadaan, sababtoo ah haddaanu nahay bahda fanka Soomaaliyeed, ma lihin tiyaataro iyo goobo aanu filimo ku samayn karo. Sidoo kale, ma haysano dawlad ama cid kale oo na taageerta [dhaqaale ahaan].
Sabahi: Markaa bulshada Soomaaliyeed hadda ma waxay ku xidhan yihiin la socodka filimada ajaanibka ah?
Bidde: Haa, Waxaan qabaa in arrintan uu dhaqan-bedel badani ku jiro, ayna bedelayso dhaqankeenii. [Filimada shisheeye] waxa ku jira waxyaabo badan oo dhaqankayaga ka baxsan.
[Ka hor dagaalladii sokeeye] filimada shisheeye waxaa laga heli jiray shaleemooyin gaar ah, laakin wayihii hore, tani naguma badnayn. Dadkuna waxay ku xidhnaayeen fanaaniintooda, la socodka fanka iyo dhaqankooda.
Sabahi: Markaa maxay tahay duruufaha hadda haysta fanka Soomaaliyeed?
Bidde: Dhalinyarada hadda heesaha qaadaana waxay u badan yihiin kuwo dibaddaha jooga, waanan ku amaanayaa kaalinta ay qaateen. 2010 waxaan ka qaybgalay Somali week festival oo sannad kasta lagu qabto London, waxaanan la kulmay kuwo badan oo hal-abuur wanaagsan leh. Laakiin imika fanka waxa ka dhiman taageeradii dawladeed, guddigii dib-u-eegista, ururo isku-xidha, inay dhalinyaradu ku xidhnaadaan abwaanadii hore, si ay uga faa’iidaystaan. Waxa intaa dheer, in kuwo badan oo dalka joogana ay leeyihiin mu’alif wanaagsan.
Sabahi: Tiyaatarka Muqdisho dib ayaa loo furay, kan Hargaysana dib ayaa loo dhisay. Ma waxay qayb ka tahay dib u soo noolaynta fanka?
Bidde: Aad bay uga qaybqaadan kartaa. Waxa jira dad feker khaldan ka haysta tiyaatarada. Laakiin tiyaatar uun maahee waxa la yidhaahdaa “guriga ummadda”. Tiyaatarka wuxuu marti-gelin karaa kulamada dowladda, bandhig-faneeyada iyo muxaadarooyinka diinta. Tiyaatar [shaqaynaya] wuxuu lama huraan u yahay waddanka.
Imika tiyaatarka Hargeisa ee dib-u-dhiskiisu socdo waxa dhisaya ganacsade Omer Aided. Wuxuu sameeyay horumar wayn. Dadka kale ee Soomaaliyeed ee awoodi kara iyo cid kasta oo taageeri kartana waxaan u soo jeedin lahaa inay sidaasoo kale sameeyaan, magaalo kastana tiyaatarkeedii dib loogu dhiso, si dadkuna maaweelo u helo. Haddii taas la helo, fanaaniintu waxay awoodaan dadweynaha ku booriyaan nabadgelyada iyo dhamaan danahooda.
Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargaysa jooga.
Xigasho: Sabahi



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






