(Salaamanews)-Ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada AMISOM oo ka socda dowladda Djibuti ayaa laga dareemayaa isbadal siyaasadeed iyo mid amni.
Magaalada waxaa maanta tagay wafdigii ugu sarreeyay oo muddo bil ah booqda, waxaana wafdiga kamid ahaa xildhibaann, saraakiil, fannaaniin iyo odayaal dhaqameed.
Lix xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo fannaaniin Soomaaliyeed ayaa Sabtida maanta ah gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Safarka mudanayaasha ayaa la xiriira sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda ka jirta gobolka, waxayna isla maanta kulamo la qaateen madaxda gobolka, kuwa degmada, saraakiil ciidan iyo dadweyne.
Xildhibaannada safarka ku tegay gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah Saynab Caamir, Aamina Maxamed Cabdi iyo Maxamed Amiin Xasan Aalow, waxayna warbaahinta u sheegeen in u jeedkoodu uu yahay qiimeyn lagu sameeyo dhibaatada ka taagan gobolka.
Fannaaniin ay ka mid yihiin Muqtaar Shariif, Shukri Shiino iyo kuwa kale ayaa iyagana qaban doona barnaamijyo faneed dadka lagu wacyigelinayo.
Safarka wafdigan ayaa imaanayo xilli uu horey madaxweynaha Soomaaliya oo booqday Hiiraan uu sheegay in la kormeeri doono dhammaan dadkii ku dhibaatoobay fatahaaddii wabiga Shabeelle.
Salaamanews
Baladweyne, Hiiraan
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






