(Salaamanews)-43-sano ka hor maanta oo kale 21-kii october, waa waqtigii uu talada dalka qabtay hogaamiyihii dowladii militariga aheyd Jen. Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu tilmaamaa maalin taariikh weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed.
Maanta oo kale waxaa talada dalka qabsaday kacaankii taariikhda lahaa ee uu madaxda ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna dalka maamulayay 21-sano ugu danbeynna talada ayuu ka degay 1991-kii.
Madaxweyne Siyaad Barre waxay dadka qaarkood ay ka aaminsanaayeen inuu ahaa “Kali-talis”.
Dadka qaar ayaa Maxamed Siyaad Barre ku tilmaamaya aabihii dalka Soomaaliya isla markaana horumar aysan dalalka Afrikaanka ah gaarin gaarsiiyay waxaana sidoo kale lagu xasuusta awoodii ay laheyd dowladii Maxamed siyaad Barre.
KACAANKII 21-KII OKTOOBAR
Intii u dhexeysay 1960 iyo 1969kii waxaa dalka ka talinayey dawlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay, hase yeeshee waxaa jiray xisbiyo aad iyo aad u tira badan oo ku dhisnaa hab qabiil.
Arrintaas waxay dalka geyeysiisay qulub siyaasadeed iyo dabac hannaankii hoggaaminta dalka,Waxay arrintu murugtay markii Okt. 1969kii lagu toogtay Madaxweynihii dalka Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake magaalada Laascaanood.
Haddaba Okt.21, 1969 oogtii hore ayaa ciidammadii qalabka siday isku gadaameen barihii doorka ahaa ee dawladdii ,waxayna xabsiga u taxaabeen badi madaxdii sare ee Taliskii dalka.
Labaatan sarkaal oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo 5 sarkaal oo booliska ah,ayaa S.G Max’d S Barre ku hagay afgambi aan dhiig ku dadaan (bloodless coup d’tat) ama la yiri waa Tawraddii Caddayd. Waxay golihii sare ee kacaanku oo markaas isku magacaabay SRC (Somali Revolutionary Council) laaleen distoorkii dalka, waxay xireen golihii shacabka ( council of parliamentarians), waxay maanaceen xisbiyadii siyaasadda, maxkamaddii sarana way tireen.Dalkiina waxaa dib loogu magacaabay Jumhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (Somali Democratic Republic…SDR).
Saraakiishii kacaanka hoggoominaysay waxay taariikhd ku xarriiqeen in Kacaankaan noqdo kii 3aad ee ugu weynaa kacaannadii geyiga Soomaliya ka curtay. waxay muujiyeen firfircooni, waxayna jaangooyeen qorshayaashii siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka wax looga qaban lahaa. Waxay qaadeen ololayaal waxqabad ah oo dhan kasta oo nolosha dadka Soomaaliyeed taabaneysa.Waxaa mudan in la xuso mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso oo xubno badan ee dadka S/liyeed ah oo aan hore u lahayn xirfado wax soo-saar lagu tababaray, arrintaan oo door weyn u lahayd dalka. Sidoo kale waxaa dalka laga hirgaliyey mashaariic badan oo dardartay u fulayeen mar Soomaaliya u ekaatay dal ka ruqaansanaya fadhiidnimmadii dunida seddexaad.
1974 waxaa Jaalle M Siyaad oo markaan ah Guddoomiyihii Golaha Sare ee kacaanka iyo M/weynihii dalku la saxiixday dalkii Midowga Soofiyeetka ee itaalka lahaa heshiis mug weyn . Isla sannadkaas wuxuu Siyaad saxiixay xubin ka ahaanshaha Soomaaliya Jaamacadda Carabta. Haddana isla sannadkaas wuxuu Siyaad noqday Guddoomiyaha Uruka Midowka Afrika.
Dhallintii firfircoonayd ee kacaanka horseedka ka ahayd waxay isdabajoog ugu baaqayeen himmiladay la doonayeen horumarinta dalka iyo barnaamijyadii hanuuninta dadweyna oo tubtay rabeen ku duwaysay bulshada Soomaaliyeed.
1972 ayaa meel fagaaraha ee dad badani isugu soo baxay waxaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay J/lle Max’d S Barre, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in markii ugu horreysay afka Soomaaliga la qoray,laguna qoray xuruufta Laatiinka. Intii uu khudbaddiisa waday ayaa wax dul heehaabay fagaarihii, raxan diyaarado ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo daadinayey dhambaallo tusaaleynaya sida farta cusub loo qoray.Maalintaas waxay bog cusub u furtay guud ahaan taariikhda Soomaaliyeed, waxayna ahaatay astaan mar walba lagu garan doono wax qabadkii kacaankii libineed iyo sharaf ku lammaansanaan doonta magaca Jalle Siyaad.
Si farta cusub loo hirgaliyo ayaa waxaa lagu booriyey shaqaalihii dawladdu inay galaan imtixaanno lagu hubinayo inay barteen farta. Sidoo kale,waxaa dalkoo idil laga joojiyay sannad dugsiyeedkii 1974-1975 laba fasal mooyee,waxaana dhammaan ardaydii dugsiyada dalka loo baaliyey inay dadkooda ka hammuun tiraan wax-qorista iyo wax-akhriska. Abaabul heer qarana oo aad u ballaaran baa la galay.
Waxaa jid walba ku baxay gaadiid sida guutooyin arday ah oo u ambabaxay goob kasta oo beel Soomaaliyeed taal,miyi iyo magaalaba. Waxaa dalkii oo idil ka oogmay kacdoon waxqabad leh, waxaana halheys noqotay BAR ama BARO; oo loola jeeday haddaad taqaan wax qorka Bare noqo, haddaadan aqoonna imminka baro.
Hal sano ka dib, markii uu dhammaaday olalihii weynaa, waxaa dadkii Soomaaliyeed ee in yar wax qori jirtay, mar qura intii badnayd isu rogtay dad wax qori kara, akhriyina kara. Horumarkaas degdegga ah ee la yaabka leh wuxuu ahaan doonaa mid raadkiisu qoyanaado inta qaran Soomaaliyeed jiro. Loogama harin qoristii farta intaase, waxaa la diyaariyey eray bixinta culuumta kale geddisan ee dugsiyada lagu dhigto oo si aad ugu habboon loo habeeyay, waxayna arrintaasi hirgashay ilaa manhajyada dugsiyada sare.
Intii ay Soomaali dawlad laheyd iyo ka horba waxaa jiray hammi ku fog dadka Soomaaliyeed oo idil oo ku beegnaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay, waxaana ugu darnaa qeybtii Soomaali galbeed ee gumeystaha madow ee Axmaaradu ka talineysay. Dawlidihii Soomaaliyeedna waxay ka mid aheyd arrintaasi ajandooyinka kowaad. Haddaba, Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka S/liyeed ee la abuuray 1976 golihiisii dhexe ee J/lle Siyaad ka ahaa Xogyaha Guud baa ansixiyey in XDS gacan siiyo Jabhadihii xornimo doonka ahaa ee Soomaali Galbeed oo intii muddo ahba loollan adag kula jiray taliskii Axmaarada.
Wuxuu XDS galay dagaallo aad u culus, waxaana caan noqday goobo dagaal sida; Godey iyo Jigjiga oo gaashaan-qaadka Soomaaliyeed ku muujiyey karti dagaaleedkiisa dabiiciga ah iyo tan la bartaba.Waxaa muddo yar ku guuleystay XDS oo xoreeyay badi dalkii Soomaali Galgalbeed, ka dib markuu Axmaarada ku jabiyey goob walbaba.Dagaalkaas waxaa galay qaranka Soomaaliyeed oo idil dawlad iyo dadba.Waxaa mudan in la xuso Suugaantii dagaalka ee sida talantaaliga ah uga baxaysay Radio Muqdisho taas oo aan ka awood yarayn holaca baaruudda. Suugaantuna sideedaba waayihii kacaankay u kobocday si aan hore loo arag, loogana sheekayn.
Waxaase xagal daaciyey guushii cimriga oo uu haleelay qaranka S/liyeed, J/lle Siyaadna ka ahaa halyeygii dumayey ololahaas Xoogaggii ugu itaal roonaa dunida ee Ruush iyo Maraykan oo mar qura iyagoon hore ugu heshiin walaxna intii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee Isbahaysyada NATO iyo WARSOW, si taariikhda yaab ku leh ugu heshiiyay inay Soomaali weyn kala dhantaalaan. Waxaa dawladdii Soomaaliyeed si cad oo handadaad wadata loogu sheegay inay kala baxdo dhulkii Soomaali G/beed ciidammadii xoreeyay.
Si muruga leh buu M/weyne Siyaad u amray in laga soo baxo dhulkii geesiyada S/liyeed xoreeyeen oo diricyadu u qubeen dhiig badan. Waxaa la wariyey inay ahayd, in XDS si la isla oggolyahay uga soo guuro goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase taas rogay cadawgii gudaha oo u beddalay in si dalanbaabi ah looga soo baxo.
Waxaa jabay hankii weynaa ee shacabka Soomaaliyeed ee si joogta ah ugu haliilayey haabashada Soomaali weyn….waxaa jabay hankii halyeeyadii qaranka ….waxaa dumay dhaqaalihii dalka oo si hagar la’aana loogu huray baadi-goobka Soomaali weyn. Iyadoo daqarkii weynaa ee gaaray Soomaaliya aan wali la dhayin, tawstii ku habsatay ummadda iyo dawladdana lala liicayo ayaa si lama filaan ah, xubno xoogga dalka ka tirsan u maleegeen afgambi dhicis noqday 1978.
Afgambigaasi wuxuu horseed u noqday fidnadii ka hurtay dalkii mar hugunkiisa laga maqlay hareeraha dunida oo idil, dhammaadkiina ka dhigay Soomaaliya meel aan dawlad lahayn oo dawanka madfaca iyo dananka rasaasta Aakaha un laga maqlo …mullaaxdii kacaanku u diiray Shacabka S/liyeedna ku aasay dambas.
Baadi goobkii Soomaali weyn ee kacaankii Oktoobar uu horseedka ka ahaa ma wada hungoobin ee waxaa xurnimadii haleelay Jubuuti Juun 27, 1977 . Waana loo marag dawrkii Dawladdii S/liyeed iyo Shacabka S/liyeedba ku lahaayeen guushaas soo hoyatay.
Maalintii ,1991dii kacdoonkii qaran dumiska ahaa ee maangaabka S/liyeed ka taliyey dumiyey taliskii dalka, J/lle Siyaadna ka baxay Xamar, ma jirin dawlad waxtar leh oo la sheego ee waxaa jiray qalfoof dawladeed oo aan ficil nool lahayn….waxay dawladdii iyo madaxdeeduba u ekaayeen kuwo xawli dheer ku orday oo xuurtadii markaan la xiiqsan. waxaana xoogaggii riday qalfoofkaas noqdeen Haarey duulaysa oo waxay aragtaba leefaysa, ilaa dalkii oo idil noqday lama degaaan iyo lafo wada qayaxan.
Aarkii la ganay iskama huleelin ee wuxuu ka soo jeestay GEDO, isagoo wali gaylamaya…dhulkii isagoo gabana uu u qaxay buu haddana u qaxay isagoo guxushaa gaboobay ah.Wuxuu u qumay iska difaacii xoogaggii u haliilayey dhiiggiisa iyo kan dadkiisaba….Markii dambana wuxuu dumay guluf lixaad leh oo uu damacay in uu ku soo ceshado Heemiskii laga tuuray. Arrintaan dambe ma suurtoobin oo waxaa dhagar iyo dhabar-wareen ka yimid xubno ka tirsan cududduu ku tiirsanaa.
Jalle Max’d S Barre, wuxuu dhammaadkii magan u noqday Nigeria, oo si wacan loogu marti galiyey ilaa uu ku geeriyooday magaalada Laagoos Jan 2, 1995. Gadaashi Soomaaliya waxay ku sidbatay haadaan dheer oo ba’ iyo hoog leh. Waxayna tabaysaa halyeeyo u kacoo wax uun ka caynsha…malaha waxay tabaysaa hal-abuurkii iyo hawlkarnimadiisii …malaha waxay tabaysaa madiixiisii iyo maxaa wacaydii.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






