Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo xukunno aan horey loo arag ku ridday Saraakiil sare

(Salaamanews)-Madaxda maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah kulan ay yeesheen kadib waxaa xukunno adag la duldhigay saraakiil sare oo ka tirsanaa hogaanka ciidamada baliiska iyo Militariga ee dowladda Soomaaliya.

Xukunka maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa iskugu jira xilka qaadis, shaqa ka joojin iyo xarig, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in cadeymo lagu helay saraakiisha ciidamada ee xukunnada lagu fuliyay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka-Sida Liibaan Cali Yarow oo xukunka maxkamada ku dhawaaqay ayaa sheegay in saraakiisha la soo eedeeyay uu ka mid yahay taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil.

“Taliye Cabdi Maxamed, wixii maanta ka dambeeyo waa laga saaray ciidamada, waa laga qaaday xilkii uu hayay, waxaana uu qirtay inuu dambiga galay iyadoo maxkamaddu ay cadeymo heshay” ayuu yiri Gudoomiye Yaroow.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xabsi daa’in uu ku xukuman yahay Mr Cabdi Maxamed, wuxuuna intaa raaciyay in xabsi uu nolashiisa inta ka dhiman ku dhameysan doono.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ma uusan sheegin eedeymaha loo heystay sarkaalkan waxa ay yihiin,Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil waa sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka asluubta.

Bilihii u dambeeyay ayaa saraakiisha dawladu waxay aad u hadalhayeen maxaabiis qaarkood ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab oo laga siidaayey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyo xabsiga Baydhabo oo labaduba ay maamusho dawlada.

Sidoo kale waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in musuqmaasuq weyn uu hareeyay xabsiyada dawlada oo dadka la soo qabto lagu kala bedesho lacago aad u fara badan oo saraakiisha ay qaataan.

Lama oga in xukunka maxkamada ciidamada ay maanta ku riday sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka asluubta uu la xiriiro tuhunadaasi iyo in kale.

Waxay maxkamadu sheegtay in saraakiil kale oo ciidamada ka tiraan iyana dhowaan la xukumi doono marka la soo dhameystiro eedeymaha loo heysto.

Maxkamada Ciidamada ayaa maxkamad qaada dacwadaha la xiriira ciidanka iyo kooxaha hubeysan, waxaana ay horey u gaartay xukuno kala duwan oo ay ku jiraan dilal ay ku xukuntay askar ciidamada ka tirsan oo falal xadgudubyo ah u geystay dad rayid ah.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com 

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal