Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Maxkamadeynta Wariye Koronto iyo shan kale oo markale dib loo dhigay

(Salaamanews)-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dacwada loo heysto Wariye C/casiis Koronto iyo haweeney sheegtay in la kufsaday, iyadoo la dhageystay dacwada lagu soo oogay wariyaha iyo afar ruux kale oo Maxkamada dambi ku soo oogtay.

Xeer Ilaalinta Maxkamada ayaa ku eedeysay wariyaha iyo gabadha la kufsaday inay ka been abuureen ciidamada dowladda oo ahaa inay kufsi geysteen, waxaana dacwada ay aheyd mid aad u kululeyd.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib loo dhigay dacwada ilaa maalinta Talaadada, iyadoo xeer ilaalinta la weydiistay inay soo dhameystiraan marqaatiyadii iyo cadeymaha ku saabsan dambiga lagu soo oogay wariyaha iyo gabadha la kufsaday.koron

Qareenada u doodayay Wariyaha iyo gabadha la kufsaday ayaa sheegay in aanay dambi gelin oo aanay waxba been abuurin, waxaana haweeneyda la kufsaday ay Maxkamada ka hor cadeysay in la kufsaday, hase ahaatee xeer ilaalinta ay sheegeysay in markii la baaray gabadha aanay kufsi loo geysan.

Qareenka u doodaya Wariyaha iyo dhibanayaasha kale ayaa sheegay in arrinta la siyaasadeynayo, isla markaana arrinta la cusleynayo, balse uu ku dadaalayo sidii uu u difaaci lahaa dhibanayaasha uu u doodayo.

Dadka xiran ayaa waxaa ku jira gabadha la kufsaday ninkeeda iyo labo kale oo mid haweeney tahay oo lagu soo eedeeyay inay wax ka abaabuleen been abuurka, waxaana jira dul duleelo ku saabsan habka dacwad qaadista ku saabsan.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal