(Salaamanews)-Midowga Caalamiga ah ee Culumada Muslimiinta ee uu madaxda ka yahay Sheekh Yuusuf al-Qardaawi ayaa bayaan ka soo baxay Axaddii wuxuu si kulul ugu cambaareeyay dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Culumada Islaamka waxay dilka Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ku tilmaameen mid xad-gudub ah oo ka fog diinta Islaamka, waxayna ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kuwa dilay sheekha.
Hay’adda culumada Islaamka ayaa ku eedeysay dilka Sheekh Cabdiqaadir inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah ee ka dagaallamaya Soomaaliya, kuwaasoo faham khaldan ka qaatay diinta Islaamka.
Hay’adda waxay Sheekh Cabdiqaadir ku tilmaamtay inuu ahaa caalim lagu bartay geesinnimo marka ay timaaddo sheegidda xaqa iyo faafinta diinta Islaamka gudaha dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba.
Midowga Caalamiga ah ee Culumada Muslimiinta ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax inay sabraan, wuxuuna Alle uga baryay inuu geeyo jannatul Firdowsa.
Alle ha u naxariistee, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay gudaha masaajid ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo tukanayay salaadda Casar.
Salaamanews
Garoowe, Puntland
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






