Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Keydka sawirrada, Maqaallo, Warar

Daawo Sawirrada iyo muuqaal kulan Minnesota lagu qabtay

(Salaamanews)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa ay soo qaban-qaabiyeen kulan looga hadlayo midnimada, cadaalada iyo horumarka Soomaaliya, kaasi oo lagu casuumay labo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Kuwaasi oo kala ahaa Dr. Cali Khaliif Galeyr iyo Axmed Ismaaciil Samatar.

Kulankaan oo dhacay magacaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u fara badan oo isugu jira qeybaha bulshada, iyadoona labada mudane ay sharaxaad ka siiyeed Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota wajiga iyo isbaddelka cusub ee ay Soomaaliya haatan gashay.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, haatanna ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ugu horreyn ka hadlay kulankaan, ayaa ka sheekeeyey horu-socodka isbeddalka cusub ee Soomaaliya iyo waliba siddii loo sii xoojin lahaa, isagoo sidoo kalena ka hadlay caqabadaha ku horgudban isbeddalkaan iyo sidii looga gudbi-lahaa.

IMG_1635Sidoo kale waxaa kulankaan ka hadlay Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa ra’isal wasaareyaashii Soomaaliya soo maray xiligii ay dalka jireen dowladdihii kumeel-gaarka ahaa,hadana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana uu rejo wanaagsan ka muujiyey marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiiragaliyey in ay ka faa’ideystaan fursada uu xambaarsan yahay isbeddalkaan.

Waxaa Cali Khaliif, ugu baaqay guud ahaan Soomaalidu in ay la shaqeeyaan madaxda cusub doorteen, taasina ay horseedi-karto in wadanka ay ka dhaqan gasho dowlad dhexe oo xoog leh.

Sidoo kale waxaa kulankaan ka hadlay Cabdiqaadir Cadow, oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeynayey nidaamkii looga gudbayey kumeel-gaarnimada, gaar ahaan gudigii loo xilsaaray xulutaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya haatan ka jira, isagoo awalna ka mid ahaa qurbe-joogtii Minnesota ka tagtay, waxaana uu u sheegay in intii uu ku sugnaa gudaha wadanka Soomaaliya uu soo arkay idideele nabadeed iyo hami-horu-socod leh.

Intii kulankaan socday, ayaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Sadik Warfa, oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, waxaana uu ugu baaqay dadkii Soomaaliyeed ee kulankaan ka soo qeybgalay in ay xooga saaraan sidii wadanka horumarkiisa looga shaqeyn lahaa, gaar ahaan qurbe-joogta in looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dhinaca dhaqaalaha dalka.

Hadaba Salaamanews waxaa ay halkaan hoose idin kugu soo bandhigaysaa sawirradii kulankaasi oo aad u faradan.

 Sidoo kale halkaan hoose ka daawo muuqaalkii guud (Video) oo dhammeystiran oo aan ka soo qaadanay qeybteena talefishinka SOMALI TV OF MINNESOTA (SOMTV). 

Siyaad Saciid Salaax, Salaamanews

siyadsalah@hotmail.com

Minneapolis, Minnesota

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal