Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Caafimaadka, Warar

MSF oo ka digtay cudurro halis ah oo ka dillaacayo Muqdisho

(Salaamanews)-Warbixin ay soo saartay hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa muujisay in wali xaalad nafaqo darro ay heysato carruur aad u fara badan oo ku jira kaamamka magaalada Muqdisho oo ay hey’addu dhabagal ku sameysay sida ay u noolyihiin carruurta ku jira kaamamkaasi.

Hey’adda oo tallaal iyo kaabayaasha aas aasiga u ah caafimaadka ka sameysay qaar kamid ah xiryaha barakacayaasha ayaa waxaa ay sheegtay in ololaheeda ay ku ogaatay in afar caruur ah ee kasta mid kamid ah uu halis ugu jiro inuu u dhinto caafimaad xumo.

Gargaar deg deg ah oo ay hey’addu ka sameysay shan maalmood 34-kaam oo ku yaallo Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa waxay ku sheegtay in nafaqo darradu ay aad u gu nugulyihiin carruurta ay sida bilaashka ah ugu dabiibyeen xiryaha ay booqdeen.

Carruurta da’doodu ka yartahay shanta sano ayay sheegtay hey’addu in dhibaatada ugu badan ay ku heysato Muqdisho, waxaana hey’addu ay xustay in wali xaalad xun ay heysato 15,000 oo barakacaayaal ah oo ceymis caafimaad u baahan.

Hey’addu waxay qirtay In 70 boqolkiiba ay xaalad xun ku heysato kaamamka Muqdisho, waxaana ay ugu baaqday dhamaan hey’adaha samafalka ee qaramada midoobay in garab buuxa ay siiyaan dadka dhibaateysan.

Hey’addu waxay intaa raacisay in 162 carruur ah oo daryeel loogu sameeyay xarunta hey’addu ay ku leedahay Xamarweyne la helay in 25-kamid ah u badkaasi ay Qatar ugu jiraan cudurrada halista ah ee maqaarka iyo kuwa kale..

Hey’adda MSF ayaa xarumo ku leh inta badan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana dhawaan ay shaki galisay shaqadeedii ay ka waday mudada dheer cisbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiirraan.

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal