Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Muqdisho oo bilowday olole nadaafadeed oo lagu bixinayo abaal-marin lacageed

Qashinka buux dhaafiyay xaafadaha Muqdisho ayaa sii yaraanaya taa oo looga mahdinayo ololaha nadaafadeed ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayna dhaqan-galinayaan muwaadiniin is-xil-qaamay.

Ololaha ayaa bilowday 26-kii January, waxa uuna socon doonaa hal todobaad, ama ka badan haddii loo baahdo, si loo qurxiyo loona nadiifiyo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Is-xil-qaamayaasha ayaa sheegaya in ayasan shaqadooda ku doonayn abaal-marin, laakiin si arrinka xallad loogu yeelo, xukuumadda Soomaaliya ayaa lacag caddaan ah ugu yaboohaysa degmooyinka gala kaalimaha hore ee nadaafadda.

Dad is-xil-qaamayaal ah oo nadaafad ka wada magaalada intii lagu jiray olole nadaafadeed kahor inta aysan dhicin doorashadii madaxweynanimada. [Maajid Axmed/Sabahi]

Dad is-xil-qaamayaal ah oo nadaafad ka wada magaalada intii lagu jiray olole nadaafadeed kahor inta aysan dhicin doorashadii madaxweynanimada. [Maajid Axmed/Sabahi]

“Waxaan ku bixin doonnaa abaal-marin degmooyinkii kaalimaha hore ka gala tartanka nadaafadda Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 21-kii January. “Degmada guulaysata waxa ay heli doontaa $15,000 oo doollar, tan labaad $10,00, halka tan seddexaadna ay heli doonto $5,000.”

Dowladda federaalka ah ma aanay sheegin shuruudaha lagu xulanayo kuwa guulaysta marka uu ololaha dhammaado Jimcaha (1-da February), ama haddii loo baahanyahay in degmada guulaysata ay lacagta ku kharasha garaynayso mashruuc mucayan ah.

Agaasimaha waaxda fayadhowrka gobolka Banaadir Xuseen Warsame Abtidoon ayaa sheegay in howlaha nadaafadda ay si wanaagsan u socdaan, iyadoo 200 oo qof oo is-xil-qaame ay ka qeyb qaadanayaan degmo walba.

“Waxaannu doonaynaa in aan ololaha nadaafadda ku dhameystirno todobaad gudihii, balse waqtiga waa la kordhinayaa haddii ay lagama maarmaan noqoto si Muqdisho looga dhigo magaalo nadiif ah oo faya qabta,” ayuu u sheegay Sabahi.

Abtidoon ayaa sheegay in ololaha uu isbedel weyn ka sameyn doono xaaladda fayadhowrka ee Muqdisho, uuna ku rajo waynyahay in uu soo celiyo bilicdii magaalada.

Degmooyinka oo u baratamaya abaal marinta koowaad

Cumar Cabdule Cusmaan, oo ah guddoomiyaha degmada Heliwaa, ayaa sheegay in nadaafadda ay si wanaagsan uga socoto aaggiisa.

“Waxaan ku rajo waynahay in degmadayda ay guulaysan doonto maxaa yeelay waxaannu samaynaynaa dadaal dheeri ah si aan u hagaajino nadaafadda guud ee degmada Hiliwaa,” ayuu u sheegay Sabahi. “Haddii aan ku guuleysano tartankan waxaan u balan-qaadaya in lacagta abaal-marinta ahi ay tahay mid go’aankeedu leeyihiin dhammaanka dadkii u guntaday howsha nadaafadda ah.”

Deeqa Cabduqaadir, oo ah guddomiyaha degmada Warta Nabadda, oo markii hore loo aqoon jiray Wardhiiglay, ayaa sheegtay in 200 ee iskood wax u qabsadayaasha nadiifinaya degmada aanay filaynin in lagu abaal-mariyo dadaalkooda. Saas ooy tahayna, waxa ay wali ku rajo wayntahay in ay guulaysanayaan.

Dad is-xil-qaamayaal ah oo nadiifinaya Wadada Wadnaha ee Degmada Warta Nabadda 31-kii January. [Cali Aadam/Sabahi]

Dad is-xil-qaamayaal ah oo nadiifinaya Wadada Wadnaha ee Degmada Warta Nabadda 31-kii January. [Cali Aadam/Sabahi]

“Waan ku hanweynnahay in degmada Warta Nabadda ay noqon doonto tan kaalinta koowaad ka gasha tartanka ololaha usbuuca nadaafadda ee Muqdisho,” ayay tiri. “Si adag ayaannu u shaqeyn doonnaa si aan u guulaysanno.”

Iskood wax u qabsadayaasha ragga iyo dumarka ah ee ka qeyb qaadanaya ololaha todobaadka soconaya waxaa soo xulay odayaasha xaafad walba, sida ay sheegayaan guddoomiyayaasha degmooyinka. Iskood wax u qabsadayaasha waxa ay shaqaynayaan laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo maalin walba, iyadoo xaafad walba loo diro 15 ilaa 20 qof.

ICusmaan Cabdi, oo ah 36-jir kana mida mutawiciinta ayaa sheegay in uu doonayo in uu qeyb ka noqdo dadaallada nadaafadda loogu soo celinayo Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda oo uu ku noolyahay.

“Qof lacag nagu siiya ma jiro howshan nadaafadda ah ee aan wadno,” ayuu u sheegay Sabhi. “Waxaanu rabnaa in aan hagaajino nadaafadda degmadeena, kaas oo wax weyn katari doona nolasheenna waayo horey ayaa loo yiri ‘inta uu qashinka kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa’.”

Dr. Axmed Maxamed Sheekh, oo ku takhasusay caafimaadka guud, ayaa sheegay in ololaha nadaafadda uu yahay mid yar balse uu bilow muhiim ah u yahay caasimadda.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay u baahantahay olole nadaafadeed oo ballaaran maxaa yeelay majirto cid u istaagtay in ay nadiifiso magaalada 20 sano. “Todobaad kuma filna in lagu nadiifiyo Muqdisho, waana in si joogto ah loo qorsheeyaa,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatada ugu weyn ee ina haysata ay tahay nadaafadda xumida ka jirta waddanka oo dhan,” ayuu yiri. “Waxaan ka rajaynaynaa maamulka cusubi in uu la tacaalo dhibaatadaa.”

Isha: Sabahi online

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal