(Salaamanews)-Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dad fara badan ay maalintii labaad lacago uga xayiran yihiin xawaaladaha albaabada loo laabay, iyadoo arrintan ay saameyn badan ku yeelatay habsami u socodkii howlihii Xawaaladaha.
Mid ka mid ah shaqaalaha ka howl gala shirkadaha xawaaladaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ku amray in aanay bixin karin lacag dhan $1,000 (Kun Doolar), isla markaana ay culeys ku tahay.
“Gobolka xilligan waxaa ka jira daruuf dhaqaale, magaalada Jowhar hada ayay ka soo kabsaneysa dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Al-Shabaab, horay waxaa culeys nagu haayay maamulkii hore, hadana maamulkan iyadoo aan magaalada ganacsigeeda kala furmin ayuu nagu bilaabay canshuur inaan bixino”ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha xawaaladihii albaabada loo laabay oo diiday in magaciisa la xuso.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in lacagahooda biilka ay uga xayiran yihiin xawaaladaha, isla markaana markii ay saaka tageen xarumaha xawaaladaha ay arkeen iyadoo ay albaabada u xiran yihiin.
Xawaaladaha albaabada loo laabay ayaa waxaa ka mid ah Xawaalada Jubba, Mustaqbal, Olombik, Iftin, Muna iyo kuwa kale, waxaana loo heystaa inay bixin waayeen lacagihii canshuuraha ee uu Maamulka ka dalbaday.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in Maamulka uu horay codsi ugu jeediyay shirkadaha, inay bixiyaan lacago taakuleyn ah oo looga qeyb qaato bilicda magaalada iyo nabadgelyada.
“Maamulka waxaa uu u jeediyay codsi ah inay nabadgelyada wax yar ku taakuleeyaan, in olole nadaafadeed oo bilicda magaalada lagu soo celiyo laga sameeyo, markii hore waa aqbaleen, laakiin markii dambe waxaa ka war helnay iyagoo albaabada u laabay”ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciiro.
Afhayeenka ayaa sheegay in aanay wax cabasho ah u soo gudbin shirkaduhu, waxaana uu tilmaamay in markii hore ay aqbaleen waraaqadihii codsiga ay u direen, balse markii dambe ay iskood ay u xireen xawaaladahooda.
Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in howl galo maanta ay ka sameeyeen galbeedka magaalada Jowhar, gaar ahaan deegaanada Shimbirow iyo Jariirow, halkaasoo uu xusay in habeenkii ay soo galaan Xoogaga Shabaab, hase ahaatee ciidamada Milateriga iyo kuwa Nabadsugida ay saakay gaareen.
Shaqo joojinta ay sameeyeen Shirkadaha xawaaladaha Jowhar ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo bil ah uu magaalada ku sugan yahay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii 9-kii bishii December laga saaray Al-Shabaab.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






