Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Islam

Muslimiinta oo xajka gudanaya, iyadoo ammaanka Sacuudiga la adkeeyay

(Salaamanews)-Arbacada maanta bisha dul-xaja waa sideed waana mid kamid ah maalmaha ugu shaqada badan xajka oo ay sanadkan gudanayaan dad gaaraya toban kun oo ruux oo ka kala socda shanta qaarad ee dunida.

Soomaalida xajka ka qeyb galeyso oo boqllaal ah ayaa waxay qaarkood ku suganyihiin magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga waxayan gudanayaan acmaasha xajaka ee eebbe umadiisa ku waajibyeelay.

Xujeyda waajibka eebbe gudanaya ee sanadkan xajinaya ayaa waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen Fanaax wuxuuna  sheegay isagoo ku sugan magaalada barakeysan ee Maka in maanta ay tahay mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan acmaasha Xajka.

Shiikha ayaa intaasi ku daray in dowladda Sacuudigu ay diyaarisay dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa gudashada waajjibaadka Xajka, wuxuuna ku amaanay doorka ay ka ciyaareyso kaalmeynta dadka da’da ah ee gudanaya wajibka xajka.

Xaaji Axmed C/llaahi Fanax ayaa tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyin sanadkan soo foodsaaray Xujeyda Soomaalida, maadaama xujeyda  kale ay daryeel ka helaan dowladahooda,  iyadoo xujeyda Soomaliduna aysan laheyn Safaarad u dhameystirta waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Xujeyda ayaa ka baxaya agaalada Maka iyaga oo u socda Magaalada Mina halkaasi oo ay ku nasan doonaan caawa kuna dukan doonaan, Khamiista berri ah waxa ay tagayaan buurta Carafo.

In ka badan hal milyan iyo bar qof oo muslim ah ayaa xajka inay gutaan u jooga Sacuudi Carabiya, Masuuliyiinta dalka Sacuudiga ayaa sheegay in degenaansho la’aanta ka jirta gobolka aanay saameyn doonin gudashada waajibaadka Xajka.

Waxaa la dhigay ciidamo ammaanka ilaaliya meel walba oo lagu gudanayo waajibaadka Xajka, Haddaba goor dhaweyd ayaa la xiriiray oo aan wareystay qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee sanadakan gudaneysa waajibaadka Xajka waxayna muujiyeen dareen farxadi ay ku jirto iyagoo sheegay inay rajeynayaan acmaal wanaagsan.

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal