Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Warar

Netherlands: Soomaalida oo dib loo celinayo

(Salaamanews)-Qoraal lagu soo daabacay bogga Hay’adda VluchtelingenWerk ee caawisa dadka qaxootiga ayaa lagu sheegay in arrintan dib u celinta ah ay tahay mas’uuliyad daro, waxayna hay’adda ay walaac ka muujisay xaalada dadkaasi Soomaaliyeed ee lagu celinayo dal aan weli nidaam hagaasan ka jirin.

VluchtelingenWerk waxay sheegtay in Xaalada amaanka ee wadanka Somalia weli xun tahay, isla markaana aysan jirin amaan iyo damaad qaad dadkaasi amaankooda.

Maalinta Sabtiga ayey sheegtay VluchtelingenWerk in qeybta labaad ee qaxootiga Soomaaliyeed laga duulin doono Amsterdam, taasoo ay walaac ka muujisay. Arintan ayaa u muuqata mid bilow u ah sidii kooxo cusub loogu celin lahaa Somalia.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa u sheegtay Holland in aysan celin qaxootiga Soomaaliyeed.

Arbacada laga bilaabo Netherlands waxay markii ugu horeysay laga soo bilaabo 2010, celineysaa qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadooda magangelyo la diiday, iyadoo maanta oo Arbaco ah la filayo in qeybta ugu horeyso laga duuliyo garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schipol, qeybta labaadna Maalinta Sabtida iney duuliso.

Bishii hore ninka madaxda u ah guddiga sare ee qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo lagu magacaabo Guterres kulan uu la yeeshay xubnaha Baaarlamaanka wuxuu si adag u dalbaday dadkaan inaan Muqdisho loo celin, isagoo intaa raaciyay in wadamada kale ee Yurub gaar ahaan kooxaha caawiya qaxootiga waxaa u cad inaan xoog lagu celin qaxootiga maadaama xaalada amaan ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Dhambaalka u danbeeyay ee laga helay Somalia wuxuu muujinayaa iney xun tahay xaalada nabadgelyo, dib u noqoshada Soomaaliya loogu celinayo qaxootigana waxay imaan kartaa xaqiiqo ahaan marka ay jirto soo fiicnaansho xaalada amaan oo joogto ah siina jireysa, markaasina lagu dhiiran karo dib u celin.

Hay’adda VluchtelingenWerk Waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso dib u celinta dadka Soomaaliyeed, inta xaalada ka wanaagsanaaneysna waa in ay halkan badbaado ku helaan.

Laakiin Maxkamadda sare ee dalka Holland ayaa sanadkii hore amar kasoo saartay qaxootiga Soomaaliyeed ee dib loogu celinayo dalkooda, iyadoo mamnuucday sababo ay ku sheegtay xaalada dalka ay ka yimaadeen oo ah mid aan hagaagsaneyn iyo xadgudub dhinaca xaquuqda aadanaha ah.

Dalka Holland waxaa ku sugan Qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadooda la diiday, kuwaasi oo ku nool dhismaha Kaniisad ku taal Amsterdam, halkaasi oo dadka u dhashay wadankaan iyo ajaaniibta kale ee ku nool ay tabarucaad joogto ah u fidiya dadkaasi ka dhibaateysan dhinaca sharciga.

Salaamanews

London, UK

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal