Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar, Waraysiyo

Wariyeyaasha Muqdisho oo dibad-bax dhigay (Wareysi iyo Sawirro)

(Salaamanews)-Wariyeyaal aad u farabadan oo ka careysnaa warbixin meel ka dhac ah oo laga qoray wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa uu maanta ka dhacay barxadda aqalka Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha ayaa ka careysnaa dhammaantood warbixin uu daabacay wargeyska The guardian ee ka soo baxa magaalada London ee carriga Britain iyo talefashinka Chanel-4, oo labaduba warbixinta ka soo xigtay wariye Soomaali ah oo lagu magacaabo Jamaal Cismaan.

Banaan baxa, waxaa soo abaabulay wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay bahda warfidinta qeybahooda kala duwan sida wariyeyaasha ka shaqeeyo idaacadaha gudaha Muqdisho, Idaacadaha dibadda, Wargeysyada dalka iyo dibadda, Talefashinada, iyo wakaaladaha, waxaana dhammaan wariyeyaashu ay sheegeen inaan la qaadan karin warka lagu aflagaadeeyay wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wariyeyaasha oo careysan

Wariyeyaasha qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa dareenkoooda muujiyay, waxayna sheegeen inaan lagu ceebeyn Karin wax ayna iyagu ahayn, oo ay dad gaar ah wataan, isla markaana waxay cadeeyeen in qorshaha Jamaal Cismaan uu warbixinta ku soo daabacay uu ahaa mid qallafsan.

Warbixinta wariyeyaasha lagu ceebeeyay, ayaa waxaa lagu soo qaaday labo qodob, waa tan koowaade waxaa warbixinta ay muujisay in wariyeyaashii dhintay ay sababsadeen lacag loo yaqaan Sharuur oo wariyeyaashu ka soo qaataan Madaxda ay wareystaan, waa tan labaade waxaa la daabacay in wariyeyaashu ay u dhinteen qabiil wararkooduna ay u dhigaan qaab dan gaar ah ay ugu jirta qolo ama qabiil gooni ah.

Warbixinta ayaa waxaa lagu daabacay wargeyska The guardian 11-kii bishan October ee sanadkan 2012, waxaana ay muujisay waxyaabo badan oo aan sal iyo raad midna laheyn, sida ay wariyeyaashu sheegayaan, iyagoo ku sababeeyey taasi in aysan warbixintu lahayn wax xigasho ah.

Dibad baxa wariyeyaasha

Dibad-baxa maanta waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta ururuka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaana halkaasi ka hadlay xoghayaha  guud ee ururkaasi, Maxamed Ibraahim Bakistan, oo sheegay in warbixintan ay tahay dhibaatadii ugu weyneyd oo ay kala kulmaan wariyeyaasha Soomaalidu, isla markaana aaan loo dulqaadan Karin in wariyeyaasha Soomaaliyeed lagu sharaf dilo xog aan cadeyn loo heyn.

“Warbxiintaas waanu canbaareynaa waxaana ugu baaqeynaa Madaxda wargeyska the guardian inay raali galin ka bixiyaan warkaas meel ka dhaca ku ah wariyeyaash Soomaaliyeed, hadii aanay taasi sameyn waxaanu wariyeyaasheenna u sheegi doonaa inay wada shaqeynta ka joojiyaan Saxaafadaas baahisya warbixinta been abuurka ah” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Bakistan.

Xoghayaha Nusoj Maxamed Ibraahim oo wareysi siinaya Salaama News (www.salaamanews.com)

Markii uu dhammaaday dibada wariyeyaashu ay dhigayeen ayaan waxaa wareysi la yeeshay Maxamed Ibraahim Bakistaan, oo ah xoghayaha ururka NUSOJ, isagoo iiga waramay dareenkooda ku aadan warbixintaan iyo saameynta ay ku yeelan karto wariyaasha Soomaalida oo horray ula daaladhacayey dhibaatooyin isugu jiray dil, hanjaabad iyo waliba xarig.

 

Hadaba halkaan ka dhageyso Wareysiga Maxamed Ibraahim Bakistan

 

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal