(Salaamanews)Sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen dabley hubeysan oo aan la heyb garan ayaa habeenkii xalay degmada Wadajir ku dilay mid ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii Ansixinta dastuurka ee bishii August ka dhacay magaalada Muqdisho.
Goob jooge ku sugan degmadaasi Wadajir ayaa sheegay in dilka ay fuliyeen dhallinyaro Bastoolado ku hubeysnaa oo durba goobta ka baxsaday markuu falka dilka ah dhacay kadib.
Gudoomiye kuxigeenka degmada Wadajir ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen nabadoon Codeey xilli uu gaarigiisa ku xareynayay garaash ku yaal Xaafada Xaawo Taako. Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo odayaasha dhaqanka ee soo xushay ergadii ansixisay dastuurka loogu geysto magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay ergadii ansixisay dastuurka, oo ay ugu hanjabeen in ay beegsan doonaan, waxaana horey kooxdu u sheegatay dilkii oday dhaqameed loogu geystay Muqdisho.
Dilkan ayaa imaanayo xilli gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan uu dhawaan shir uu saxaafadda u qabtay uu ka sheegay in degmadiisa ciidanka jooga ay amaanka sugayaan.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






