(Salaamanews)- Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa sheegay inaanay aqoonsaneyn guddiga cusub ee olombikada Soomaaliyeed, kaas oo horraantii bishan lagu doortay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.
Cabdiweli wuxuu sheegay in dhammaan xubnaha cusub ee loo doortay guddiga ay ka soo jeedaan hal gobol oo ka tirsan 18-ka gobol ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in xubnaha tobanka ka badan ee loo doortay mas’uuliyiinta guddiga ay ka soo jeedaan hal gobol oo ka tirsan dalka, isla markaana aanay matali karin Soomaaliya.
Cabdiweli wuxuu sheegay in wasaaraddiisa ay go’aanka qaadatay kaddib markii ay dhageysatay cabashada guddiga olombikada Puntland oo aan wax talo laga siin doorashada dhacday, isla markaana aan la siin fursaddii uu ugu qeyb-gali lahaa doorashada la dhaliilay.
Wasiirka ayaa u jeediyay dowladda federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda ay khuseyso, inay si deg deg ah u farageliso arrinta, isla markaana ay baaritaan ku sameyso sharciyadda doorashada dhacday.
Wuxuu sheegay in qaabkii ay wax u dhaceen ay dhaawaceyso kalsoonida iyo isu soo dhoweynta shacabka Soomaaliyeed ee la rabay inuu isbooritga hormuud ka noqdo.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa doorasho 3-dii January ka dhacday magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye guud.
Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa loo doortay Cabdullaahi Axmed Tarabbi, guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa loo doortay Axmed Cabdi Xasan (Wataac), guddoomiye ku-xigeenka labaad Xasan Axmed Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad Ibraahim Abuubakar Shaamo, halka xoghayaha guud loo doortay Duraan Axmed Faara
Salaamanews
Boosaaso, Bari
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






