(Salaamanews)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa iska caabiyay xoogaga buura leyda Galgala ku sugan ee ka barbar dagaallama kooxda Al-shabaab ee ku xiran ururka Al-qaacidda, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel 40-km koofur ka xigta magaaladan Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana la sheegay ciidamo fariisimo ku sugnaa oo maamulka Puntland taabacsan inay soo weerartay kooxda Al-shabaab.
Dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa sheegay in habeen barkii xalay dagaalkii ugu xooganaa uu ka dhacay buuraha Goolis meel aan sidaa uga sii fogeyn, waxaana la sheegayaa in weerarka uu ka yimid kooxda ku dhuumaaleysaneysa Galgala.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay saddex ka tirsanaa ciidamada Al-Shabaab, shan kalena lagu dhaawacay, halka uu weerarka ku dhintay hal askari oo ciidamada Puntland ka mid ahaa.
Maamulka Puntland waxaa kaloo uu sheegtay in shalay ciidankeedu ay qabteen nin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab isagoo aasaya miino, waxaana la dhigay xabsiga, isagoo maxkamad wajahi doono.
Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay jiraan xogoa sirdoon oo caddeynaya in uu xiriir ka dhexeeyo Al-Shabaabka ku sugan buuraleyda Galgala iyo kooxaha burcad badeedda Soomaalida.
Lacagaha madax furashada ah ee ay burcad badeeddu qaataan ayay Puntland sheegtay inay qayb ka hesho kooxda Al-Shabaab, taasoo soo muujineysa.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa isna sheegay in maamulku uu qaadi doono tallaabo ka dhan ah Al-shabaab oo si rasmi ah looga soo afjari doono deegaannada maamulka Puntland.
Salaamanews
Boosaaso, Bari
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






