(Salaamanews)-Qoraaga Soomaaliyeed Abwaan C/qaadir Nuur Xuseen Maax ayaa ka qeyb qaatay barnaamijka Caweyska Washington ee ka baxa idaacadda VOA, waxaana uu ka hadlay khibaradda uu ka helay socdaalka uu ka tagay gobollo kamid ah Soomaaliya.
Abwaanku wuxuu sheegay in Soomaalidu ay badanaa fahanto afka Maayga laakiin wuxuu xusay in dadka dega Somaliland uu aad ugu adagyahay, asigoo intaa raaciyay in erayada qaarkood ay isku mid ka yihiin dadka ku dhaqan Baay iyo kuwa reer waqooyi.
Halkan ka dhegyso:-Wareysiga Abwaan C/qaadir Nuur Xuseen Maax
Dhanka kale Fanaanka Soomaaliyeed ee mudooyinkii dambe la hadal hayay Al-fanaan Farxaan Xidig, wuxuu sheegay in taariikh adag uu ku soo qaatay fanka Soomaaliyeed.
Farxaan xidig ayaa sheegay in fanka qurbaha uu leeyahay dhibaatooyin badan, waxaana uu sheegay markuu tagay yurub inuu kali ku noqday Fanka.
Halkan ka dhageyso:-Wareysiga Fanaanka Farxaan Xidig




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






