Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Keydka sawirrada, Warar

Ra’iisal Wasaaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Gaas oo la hadlay Soomaalida Minnesota (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 11, 2013(Salaamanews):— Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minnesota waxaa xalay ka dhacay kulan si heer sare loo soo agaasimay, kaasi oo ay ka qeybgalay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Gobolkaas, waxaana kulankan uu ahaa mid lagu soo dhaweynayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka ayaa la siiyay magaca dib-u-dhalasha Qaranka Soomaaliyeed, guulaha iyo fursadaha la rajeynayo iyo caqabadaha imaan kara, waxaana ra’iisal Wasaarihii hore garbihiisa taagnaa xubno ka tirsanaa Xukuumaddii uu hoggaaminayay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Ra’iisal Wasaare  ku xigeenkii hore, ahaana wasiirka gaashaandhigga, Xildhibaan Max’ed Kaynaan  Wasiir Dowlahii hore ee Wasaaradda Ganacsiga, Xaamud Maasheye wasiir dowlihii arrimaha dibadda ee hore, Fowzia Abdikadir ka tirsan iyoFaysal Rooble oo labaduba ka tirsan ururka IHASA.

Ra’iisal Wasaarihii hore Dr. C/weli Maxamed Cali oo hadalkii la wada sugayay ka jeediyay kulanka ayaa ugu horreyn wuxuu u mahadceliyay dadkii tirada badnaa eeka soo qeybgalay kulanka, si gaar ahna wuxuu ugu mahadceliyay aqoonyahannadii kulanka soo qaabeeyay, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif oo kulanka ka soo qeybgalay iyo fannaaniin heeso waddani ah ka qaaday kulanka, kuwaasi oo ay horkacayeen Hibo Nuura iyo Axmed Cali Cigaal.

IMG_3019Intaas kaddib Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu guda galay khudbaddiisa, wuxuuna sheegay in Xukuumaddii Badbaado Qaran ee uu hoggaaminayay markii ugu horreysay oo la magacaabayba ay la kowsatay caqabado isugu jiray Bad-xiran, abaar xooggan oo dalka oo dhan ku dhufatay iyo Al-Shabaab oo Madaxtooyada Soomaaliya sida uu yiri u jiray 1 km. Hayeeshee wuxuu sheegay in howlkarnimo ay muujiyeen Wasiirradii la shaqeynayay iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay ku guuleysteen in ay dalka xoreeyaan, isla markaana ay dalka gaarsiiyaan in uu nidaamkii federaalka ahaa ka baxay.

Waxaa uu ka taariikheeyay geedi socodkii uu soo maray Road Map-kii ay ka dhasheen shirarkii ka dhacay Muqdisho Garowe iyo Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyay in guusha shirarkaas ay ku timid dulqaad iyo tanaasulaad ay muujiyeen, iyagoo mararka qaarkoodna la kulmayay xaalado adag oo shirarka aan laga wadi karin.

Wuxuu ka soo qaaday nidaamka federaalka ah ee la doonayo in lagu dhaqo dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaas fahamkeeda ay waqti u baahan tahay. “Haddii aad soomaalida la shakeysato kuwa ogol  federaalka waxay ku ogol yihiin ma garanayaan, kuwa diidanna waxa  ku diiddan yihiin ma garanayaan”ayuu yiri Prof. C/weli Gaas oo carrabka ku dhuftayin nidaamkan soomaalida uga yimid shirkii kenya 2004, waxayna u baahan tahay ayuu yiri in laga wado hadlo  sida loo qaybsan lahaa waxyaalaha wadanka ka soo baxa & habka fadaraalka oo u haboon dadka soomaaliyeed.

‘Anigu waxaan ka mid ahay dadka taageersan fadaraalka waxaana taas u leeyahay dalkaan hadda aan joogno ee Maraykanka waa fadaraal, dowladnimadana waxa ugu muhiimsan waxaa weeye qofka sharaftiisa & cisadiisa in la ilaaliyo. Marka sidee loo ilaalinayaa, waxaa laga ilaaninayaa awoodda xoogga badan ee dowladda in wax lagu yeelo, dowladduna waa cidda kaliya ee xoog isticmaali karta si sharci ah , waase in si siman loo qaybiyo awooddii dowladda”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/weli Maxamed Cali Gaas oo sheegay in dad badan ay qabaan in nidaamka federaalka uu sii kordhin karo qabyaaladda, taasina waa dhici kartaa ayuu yiri balse haddii dowladdii dhexe naga burburtay aan tijaabinno.

Ugu dambeyntiina, Qurba-joogtii hadalkiisa dhegeysaneysay oo mar kale u mahadceliyay ayuu ugu baaqay in ay dalka ku laabtaan, isla markaana ay aqoonta ay fursadda u heleen ay dalkooda uga faa’iideeyaan.

IMG_3207 IMG_3342 IMG_3373 IMG_3375 IMG_3389 IMG_3396 IMG_3431 IMG_3439 IMG_3442 IMG_3452 IMG_3462 IMG_3523

 IMG_2923 IMG_2950 IMG_2974 IMG_2984 IMG_3019 IMG_3029 IMG_3067 IMG_3090 IMG_3155 IMG_3168 IMG_3179

Waxaa qoray Siyaad Saciid oo Minnesota jooga

siyadsalah@hotmail.com

Salaamanews

 

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal