(Salaamanews)-Ra’isal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay qodoobo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen maamul u sameynta Kismaayo, Xiriirka Xukuumadiisa cusub iyo Somaliland, qabashada Kismaayo, Xukuumadda uu soo dhisi doono iyo Amaanka deegaanada laga qabsaday kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.
Ra’isal wasaare Saacid oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ku dheeraaday qodobo muhiim ah oo wax laga weydiiyay waxaana ugu horreyntii la weydiiyay qodobada uu xooga saarayo waxay ay yihiin.
“Amniga iskaashiga caalamiga ah iyo dib u heshiisiinta qodobadii madaxweynaha uu kasoo horjeediyay baarlamaanka Soomaaliyeed oo qaarkood gali doona wada tashi” ayuu ku jawaabay ra’isal wasaare saacid.
Ra’isla wasaraha oo la weydiiyay sida uu u soo dhisi doono xukuumadiisa cusub si aanu muran u dhalan ayuu yiri “Dabcan waxaa jira waayo aragnimo la helay 12-kii snao ee kumeel gaarka, dowladda aan soo dhisi doono waxya noqon doontaa dad kooban kartileh aqoon leh lana socda wacyiga jira waxaanu ka taxadiri doonaa dowlad balaaran oo aan meel gaari Karin, waxaan hubaa in dowladan ay ka badalnaan doonto dowladihii hore” ayuu yiri ra’isl wasaare saacid.
Su’aal aheyd maadaama aad soo xuleyso dad kooban wasiiradda xilka kasii dagaya Malaga yaabaa inaadan soo celin ayuu ku jawaabay ra’isal wasaaraha “Golaha wasiiradda cusub inay soo noqon doonaan ma rabo inaan ka hadlo ma rabo qof rajo leh inaan rajo dhigo”.
Dhanka amaanka mar waxlaga su’aalayna wuxuu yiri “Waxaanu amaanka dib eegi doonaa qorshihii amaanka u yaallay xukuumadii hore, waxaanu eegi doonaa ugu yaraan aragtideyda waxaan huri doonaa amaanka dadka masuuliyiinta, amaan isku dhaf ah oo ku dhisan duruufta ayaanu ka fekeriyenaa”.
Dhanka kale wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan walaalaha Somaliland wax kastana ay ku dhamaan doonaan iskaashi iyo xasilooni, asigoo meesha ka saaray in xoog leysku adeegsan doono.
“Somaliland waanu soo dhaaweynaaa barnaamijka siyaasadda aanu ka leenahay waxay noqon doontaa mid la qeexi doona inaanay jiri doonin wax nabad ka baxsan gacan maroojisna aanu jiri doonin, waxaana nabad ka aheyna dariiqa israaca laguma gaari karo wada hadla iyo dib u heshisiin wax dhib ah inuu dhalan doono umaleyn mayo” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.
Ugu danbeyntii waxaa la weydiiyay waxa ay ka yeeli doonaan magaalada Kismaayo oo soo gashay dhawaan gacanta dowladda iyo taageerayaasheeda wuxuuna yiri “Arrinta Kismaayo, waa wax guul ah oo aan soo dhaweeynayo intii ka qeyb qaatay waxay guteen waajib qaran ciidankii Kenya ee ka qeyb qaatay waxay geystaya kaalin muhiim aheyd, kismaayo amaankeeda ayaa muhiim ah oo aaanu ku dadaali doonaa” ayaa wareysigu ku soo xirmay.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






