(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa habeenkii xalay (Khamiis) magaalada Istanbuul kula kulmay ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, iyagoo ka wada hadlay xiriir ugub ah oo dhexmara labada wadan.
Ra’isal wasaaraha Turkiga oo ugu horreyn kulanka furay ayaa madaxweyne Xasan Shiikh kaga mahadnaqay ogolaashiyaha safarkan uu ku yimid dalkiisa, wuxuuna ka codsaday in iskaashi toos ah ay yeeshaan xukuumadaha Istanbuul iyo Muqdisho.
Mr Origan, ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan wada shaqeyntooda ku aadan Soomaaliya si aan gab u galin dadaalkii ay Istanbuul ku garabsiisay dowladdii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa u mahadnaqay madaxda Turkiga asigoo si gaar ah u amaanay doorka ra’isal wasaare Ordigan uu ku leeyahay wada shaqeynta labada dowladood.
Mr Xasan ayaa yiri “Waxaan aad uga mahadnaqayaa doorka ay dowladda Turkigu ku leedahay horumarka Soomaaliya oo soo billowday waqtigii aan u baahnayn kaalmada saaxibtinimo” .
Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa saxaafadda magaalada Istanbuul ugu sheegay in waqtigan kadib ay iskaashi dhameystiran yeelan doonaan labada dowladood.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan tagay Turkiga ayaa magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, kula kulmay madaxda ugu sarreysa wadanka Turkiga kadib casuumaad Soomaaliya kaga timid dowladda Turkiga.






![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






