(Salaamanews) —Akhristeyaal! Salaamanews, waxaa ay muddo dheer ku taamaysay, kana baaraan-dageysay in ay qeybaheeda baahinta suugaanta ku darto qeyb maqal, muuqaal iyo qoraalba leh oo lagu xoojinayo, islamarkaana lagu soo noolaynayo Afkeena Soomaaliga, oo ka mid noqday waxyaabihii uu dhaawaca culus soo gaarsiiyey dhibatadii iyo qaran burburkii dalka ka dhacay. Iyadoona qeybtaan aan si gaar ah ugu dhiiragalinayno dhalinta iyo Soomaalida waayahaasi foosha xumaa dalka ka firxaday ee galay dhulal shisheeye, islamar ahaantaasna daris iyo deegaanba la noqday dad aysan dhaqan iyo aftoona wadaagin.
Muunadda reedyowga, waa barnaamij cod ah oo horu-dhac u ah qeybtaan baahineed ee sida gaar ah u khusaysa barashada iyo xoojinta Af-Soomaaliga-Waxaana barnaamijkaan oo noqon doona mid taxane ah oo todobaad waliba aad halkaan kala socon doontaan soo diyaariyey, idin lana socod-siin-doona Cabdirashiid Maxamed Xaashi “Duqa”, oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed, kana mid ah bahda Salaamanews. Waxaana Cabdirashiid uu barnaamijkaan Muunadda reedyowga, oo yeelan doona nuucyo iyo qeybo kala duwan uu todobaad waliba idin ku jalbeebin doonaa sheeko iyo sheekooyin xiiso leh oo noqon doonta mid uun:-“Suugaan ama barasho Af-Soomaali”…Iyadoona ay ku jiri-doonaan codad dad kala duwan, sida abwaaniin, wariyeyaal iyo dad taarikhda aruuriya…Sidoo kale waxaa ku jiri-doona heeso.

Wariye Cabdirashiid Maxamed Xaashi ‘Duqa” [Sawirka/keyd)
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
“Wixii talo iyo tusaale ah inoogu soo dir ciwaanka hoos ku qoran. Sidoo kalana haddii aad doonaysid in aad fikirkaaga barnaamijkan ku saabsan la wadaagtid akhristeyaasha kale hoos ku qor, inaguna waan soo baahin doonaa.”



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






