Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Dhaqanka, Warar

Sanad guuradii 69-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada baliiska oo laga xusay Soomaaliya

(Salaamanews)Aasaaska ciidamada baliiska Soomaaliyeed oo haatan laga joogo 69-sano ayaa maanta oo kale laga xusayaa dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana maalintan ay kamid tahay baryaha sida gaarka ah ay u qiimeyso bulshada Soomaalida oo helay ciidan si gaar ah dantooda uga shaqeeya.

Ciidamada baliiska Soomaaliyeed waa kuwa har iyo hameen u taagan u shaqeynta bulshada waxaana ay difaacaan damiirka umadda Soomaaliyeed, iyagoo dusha u dhiganaya dhibaatada kaga imaaneyso bulshada ka kooban shaqsi xun iyo mid fiican intaba.

Munaasibad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo lagu weyneynayo maalintan maamuuska mudan ayaa ka dhaceyso dugsiga tababarista ciidamada baliiska Soomaaliyeed Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyiinta halkaasi ka qeyb galay ay muujiyeen dowrka baliiska uu ku leeyahay dalka inuu nabad noqdo.

Taliyaha ciidamada baliiska ahna afhayeenkooda Shariif Shiikhuna ayaa sheegay in ciidamada baliisku uu soo hagaagay anshaxooda ayna la jaanqaadayana isbadalka ka dhacayo caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

ASTAANTA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEE KNN(1)Mr. Shariif ayaa sheegay in baliisku ay dul qaad u yeeshaan dhibaatada kaga imaaneyso shacabka, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in la weyneyo booska ay ku leeyihiin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Munaasibadda waxaa ka hadlay madaxda gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, oo sheegay in qiimo ay leeyihiin ciidanka baliiska oo mudadii burburka aan helin kaabayaasha baahidooda aas aasiga ah.

Munaasibado kuwan lamid ah ayaa ka dhacayo gobollada dalka sida maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana leysku dayayaa in ugu yaraan murti lagu muujiyo sida ay boos muhiim ah u joogaan ciidamada baliiska Soomaaliyeed.

Xarunta Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho waxaa maanta iskugu yimid dhamaan saraakiisha ciidamada baliiska waxaana goobta saf dheer ka galay ciidamada baliiska qaranka Soomaaliyeed oo dhoola tus ciidan sameeyay iyagoo salaan sharaf ka qaatay madaxda wadanka.

Waa markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah ay dhacdo munaasibad middan lamid ah oo lagu xusayo sanad guurada 69-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamada baliiska Soomaaliyeed.

 Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal