Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Dhaqanka, Warar

Shanta Soomaali Oo Markii Ugu Horeysay U Kulmeysa Xuska 40-Guurrada Kasoo Wareegatay Qorista Farta Soomaaliga.(WARSAXAAFADEED)

(Salaamanews)-Xuska 40 guuraada far Soomaaliga ayaa lagu qabandoonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012 ka.

Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxaa lagu marti qaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socda Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Xafladda furitaanka oo uu guddoomin doono, haddii Alla yidhaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa lagu daah furi doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga laga qoro.

Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed Somali-speaking PEN Club, oo ka tirsan urur weynaha caalamiga ah ee PEN.

penMaalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo.Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-suugaaneed ballaadhan.

Aqoonyahannada kazoo qaybgelaya xuska 40 guuraada far soomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii A-fsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tirilahaa.

Doodahaasi waxay ka dhici doonaan qolka shirarka ee Jaamacadda Jabuuti,Waxa kale oo jiri doona caweys-suuganeed ka dhici doona isla JaamacaddaJabuuti oo ay soo bandhigayaan Abwaannada iyo hal’abuurka Soomaaliyeed ee la marti qaaday.

Xuska 40guuraada Far soomaalida ee Jabuuti martigelisay waxa kasoo qaybgelaya Barafasoorro, qoreyaal iyo hal’abuurro Soomaali iyo shisheeyeba kakooban oo ay ka mid yihiin : Pr. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad “Kadare”, Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Dr.Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin “Dhoodaan”, Xasan “Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.

Marka xusku dhamaado kadib, oo martidu guryo noqoto ayaa waxaa la shaacin doonaa lana bilaabi doonaa qeybinta iyo iibinta Qaamuuska sharafta badan ee cusub ee howsha badan la geliyey, si eey uga faa’iideystaan dhamaanba ummadda Soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin ah kala soco website-ka guud ee SOMALI SPEAKING PEN

www.sspen.org

Guddigga qaban qaabada shirweynaha.

Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal