(Salaamanews)-Hay’ad dhaqaale si toos ah ugama howlgaleynin Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, balse sharci cusub oo Somaliland lagu meel-mariyay horraantii bishan ayaa abuuray qaabdhismeed hay’adaha gaarka loo leeyahay u oggolaanaya inay bankiyo ka furan karaan oo ay ka howlgali karaan gobolka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saxiixay Sharciga Bankiya Islaamiga ah October 4-teedi kaddib markii ay oggolaadeen baarlamaan goboleedka bishii September. Sharciga waa laga shaqaynayay illaa iyo 2007-dii.
Bankiyada gaarka loo leeyahay ayaa si xaddidan uga howlgalayay Somaliland gudaheeda dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay ku jiraan bankiga Djibouti saldhiggiisa yahay ee Salaam African Bank, Dahabshil Bank iyo bankiga Yemen saldhiggiisu yahay ee Co-operative and Agriculture Credit Bank.

Sarrifle taleefoon ku hadlaya iyadoo dhinaciisana ay taallo raso lacag ah magaalada Hargaysa. Sharciyo bank oo cusub ayaa muwaadiniinta u oggolaanaya inay lacagahooda ku haystaan qasnado [akoonno] shaqsiyeed, intii ay guryaha ama meelo aan xafidnayn ay u oolli lahayd. [Simon Maina/AFP]
Tan iyo 2010-kii, Salaam African Bank wuxuu laamo ku lahaa magaalooyin dhowr ah oo Soomaaliya ku yaalla laakin dhammaan adeegga ganacsi waxaa la sii marinayay Djibouti, ayuu Sabahi u sheegay Harir.
“Waxaa na daahiyay meel-marinta sharcigan waanan soo dhowaynaynaa hirgalintiisa,” ayuu yiri.
Fududeynta howlaha ganacsi
Tan iyo markii la meel-mariyay sharcigan cusub, Harir wuxuu sheegay in bankigiisa uu ka shaqaynayay furista akoonno wax lagu shubto iyo adeegga xawilaadda lacagta iyadoo la isticmaalayo wax isugu xawilka telekiska [ Telex Transfers].
Bankiga wuxuu xiriir wada-shaqayn la lahaa tiro bankiyo caalami ah sida Commerzbank-ga Germany, Barclays-ka London, Bank Asya-ha Turkiga iyo Bankiga Islaamiga ah ee Noor oo saldhiggiisu yahay Dubai, ayuu Hirir yiri.
Macaamiisha lacagaha marsata bankiga waxay si fudud lacatooda ugala socon karaan taleefoonnadooda gacanta iyagoo isticmaalaya adeegga Zaad ee Telesom, ayuu yiri. “Waxaa intaa sii dheer, macmiil kasta wuxuu dhaq-dhaqaaqa akoonkiisa ka eegi karaa Internetka isagoo jooga gurigiisa, shaqadiisa ama xafiiskiisa..”
Bankiga wuxuu sidoo kale dhowaan soo bandhigay kaarka lacagaha kaas oo macaamiisha u oggolaanaya inay wax kaga iibsadaan Internetka, ayuu yiri.
Harir wuxuu sheegay inta badan muwaadiniinta waxay lacagaha ku haystaa guryahooda iyo meelo kale oo aan xafidnayn ama aan ku habboonayn, laakin ay dadka barayaan sida ammaanka ah ee loo maareeyo lacagta.
Furista bankiyo ganacsi oo gaar loo leeyahay wuxuu kaloo oggolaanayaa shirkadaha ganacsi inay si fudud alaabta uga soo iibsadaan dibadda.
“Horay, waxaa la igu qasbay inaan si muuqata u qaato lacagtayda oo aan u diro [loo diro gadayaasha laga qaado bankiyada] Djibouti ama Dubai, taas oo aan ammaan ahayn,” Faysal Ismaaciil, oo dharka geeya Hargaysa, ayaa Sabahi u sheegay.
Soo jiidashada maal-gashadeyaasha shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha
Furista bankiyo ku shaqeeya nidaamyada Islaamiga ah waxay gobolka ka caawinayaan kobaca dhaqaalaha iyo inuu gaaro deggenaansho iyadoo la mamnuucayo wax kasta oo sharcidarro ku ah diinta, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cusmaan Aadan oo ka tirsan Xarunta saldhiggeedu yahay Hargaysa ee Waxbarashada Mustaqbalka iyo La-talinta ee Beder.
Hadda oo sharciga la unkay, Aadan wuxuu sheegay in xaruntiisa ay diyaarinayso hab-raacyo banki oo lagu saleeyay nidaamyada Islaamiga ah.
“Waxaan kaloo rabnaa inaan dhallinyarada barno bankiyada Islaamiga ah si ugu shaqaystaan,” ayuu Sabahi u sheegay, isagoo intaa ku daray in xarunta ay ka qalin-jabiyeen 250 arday labadii sano ee la soo dhaafay kuwaas oo qaatay tababarro ganacsi oo ku salaysan dhaqaalaha Islaamka.
Maadaama shilinka Somaliland ay tahay lacag aan laga aqoonsanayn suuqa caalamiga ah, bankiyada waa inay isticmaalaan lacagaha caalamiga ah ee jira, ayuu Aadan yiri. “Xitaa shilinka Soomaaliga ah, oo mar-marka qaar si sharcidarro ah loo daabaco, lama aqoonsana, sidaa darteed bankiyada waa inay dhaq-dhaqaaqooda ganacsi ku saleeyaan doollarka Maraykanka,” ayuu yiri.
Sharciga wuxuu shirkadaha caalamiga ah ee maalgashiga ku dhiirragelinayaa inay isku biimeeyaan gudaha Somaliland, ayuu Aadan yiri, muwaadiniintana ay u oggolaato inay ammaahdaan lacago shareecada waafaqsan oo ay maal-gashi u isticmaalaan. “Taas waxay horseedi doontaa inuu horumaro habka dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri.
Xigasho: Sabahi Online



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






