(Salaamanews)-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia oo kamid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ka jira dalkan Soomaaliya ayaa Sabtida maanta soo bandhigtay adeeg ay ugu magac dartay 3G (Third Generation), oo ah adeeg ku cusub koofurta dalkeenna Soomaaliya.
Adeeggan shirkadda Hormuud ay soo bandhigtay ayaa muujinaya in dadku ay ka bixi doonaan baahidii internet ee ka jirtay magaalada Muqdisho iyo gobollada koofurta Soomaaliya.
Munaasibad madaxda Hormuud ay ka soo qeyb galeen ayaa lagu soo bandhigay adeeggan, waxaana masuuliyiinta shirkaddu sheegeen in sanadka soo socdana keeni doonaan adeegyo kale oo bulshada wax tar u yeelan doona.
Afhayeen u hadlay shirkadda isgaarsiineed ee Hormuud ayaa yiri “Hormuud waxay maanta u soo bandhigtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho adeegga Internet ee 3G, waxayna tani qayb ka tahay howlaha ay shirkaddu ugu adeegayso shacabkeeda,” .
Gudoomiyaha shirkadda Hormuud Soomaaliya ayaa xafladda ka sheegay in taawarrada Hormuud loo taagay sidii loo haqab tiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee qabta baahida isgaarsiineed.
“Adeeggan cusub wuxuu macaamiisha u sahlayaa inay helaan Internet ku filan, maqal iyo muuqaal kaasoo ardayda jaamacaduhu ay uga faa’iideysan karaan adeegga waxbarashada, iyagoo macalimiin ku sugan caalamka daafihiisa ku xiraya ardayda ku sugan dalka gudihiisa,” ayuu yiri gudoomiyaha oo ka hadlay xafladda.
Shirkaddu waxay horey u soo bandhigtay adeegyada: E-Voucher, EVC Plus, GPRS Internet iyo adeegga Dalmar, waxaana adeegyadaasi oo dhani u muuqdeen kuwa kaabaya baahida isgaarsiinta.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






