Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Somaliland oo ka hadashay shilkii ugu xumaa oo ka dhacay Hargeisa

(Salaamanews)-Duleedka magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland, shil gaadiid oo ka dhacay waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dhaawacyada la dhigay cisbotaalka magaalada Hargeisa.

Ugu yaraan shan ruux oo seddex kamid ahaayeen ciidamada Somaliland, ayaa shilka ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay, 16-kale sida uu xaqiijiyay qof magaciisa Cali ku soo koobay oo la hadlay Salaamanews.

Ciidamada Somaliland, ee shilka ku dhintay waxaa ku jiray saraakaalkii hogaaminayay ciidamada gaariga saarnaa, waxaana la sheegayaa in ciidanku ay ku socdaan magaalada Berbera, halka gaariga shacabka ahna la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Hargeisa.

Taliyaha ciidamada Baleyska Somaliland, Jeneraal C/llahi Iimaan ayaa xaqiijiyay in shilka ay ku dhinteen ciidamada Somaliland, iyo sarkaal la socday, waxaana uu taliyuhu shegay in shilku uu ku dhacay qaab kam ah.

Wwasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale, ayaa ka tacseeyay shilkan, isagoo ku tilmaamay midkii ugu xumaa oo qabsada  ciidamada baliiska Somaliland.

Gaariga ay la socdeen Ciidamada ayaa ahaa kuwo ciidamada xambaara, kaasoo ku qalibmay meel 10-KM u jirta magaalada Hargeysa.

Shilalka ka dhaca Gobolada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay soo kordhayay, waxaana kol hore jiray shilal ay ku dhinteen siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Waxaa soo hagaageyso qaar kamid ah bukaannada la dhigay cisbitaalka Hargeisa sida uu sheegay agaasimaha dhaqtarka Hargeisa oo aanu la hadalnay.

Salaamanews

Hargeisa, Somaliland

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal