Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Somaliland oo shaki galisay wada hadallo ay la gasho Soomaaliya

(Salaamanews)- Wasiirka arrimaha dibedda ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inay dib u furmi doonaan wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ku dhowaad toddobo bil kaddib markii ay labada dhinac qaateen wareeggii koowaad ee wada-hadallada.

Maxamed wuxuu sheegay in wada-hadallada ay daba joogaan wada-hadalladii ka kala dhacay Britain iyo Imaaraadka Carabta bartamihii 2012.

Wuxuu sheegay inuusan maamulkiisu aqbali doonin in shaqsiyaad ka soo jeeda “Somaliland” ay ka qeyb-galaan wada-hadallada iyagoo matalaya dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya maalin kaddib markii raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu shaaciyay hadal kan la mid ah oo la xiriiray dib u furmashada wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.so

Bartamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday inay gooni isu taagtay oo ay tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Waxay labada dhinac wada-hadalladii billowga ahaa ku heshiiyeen inay iska kaashadaan la dagaallanka argagaxisada iyo burcad badeedda iyo sii wadidda wada-hadallada, walow aan shirarkii dhacay la iskula soo qaadin qadiyadda gooni-isu-taaga iyo aqoonsiga ay doonayso Somaliland.

Somaliland ayaa oggolaatay inay wada-hadallo la gasho dowladda Soomaaliya February 2012 xilligaas oo London lagu qabtay shir-weyne looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ay marti-gelisay dowladda Britian, isla markaana ayka soo qeyb-galeen 40 madax dowladeed.

Maamulka Somaliland ayaa ku adkeysanaya inuusan ka tanaasuleyn go’aankiisa la xiriira gooni isu-taaga-wuxuuna doonayaa in dowladda federaalka ay aqoonsato madax-bannaanidiisa.

Salaamanews

Hargeisa, Somaliland

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal